Xaflad Si heer Caalami ah loo soo agaasimay oo uu ka soo qeyb Galay Gudoomiyaha Baarlamaanka GalMudug Mudane Xasan Maxamuud Hayl ayaa Xalay lagu Qabtay Hotelka Caalamiga ah ee Holiday Inn ee Magaalada Toronto.

By Abdirizak Cadde Siyaad

MudugNet, Muqdisho, Sabti, 17ka Luulyo, 2010.
 

Waxaa Soomaalidu Tiraahdaa Isha ayaa macallin ah ruuxii tagay Madasha Xafladda lagu soo dhaweynayay Mudane Xasan Maxamuud Hayl ayaa Ka faaloon kara waxaase nasiib wanaag ah in Warbaahinta Toronto iyo kuwa Caalamiga ahba ay halkaa u dhamaayeen oo aan Akhristayaasha GalMudug ugu bishaareynayo iney kaga Bogan karaan Taleefishanka Caalamiga ah ee Universal oo uu barnaamij Qurux badan sina u qoto dheer u diyaariyay Inj. Axmed Cabdulqaadir Shiine oo ah Suxuf weyn ee Soomaaliyeed aadna looga qadariyo Waddankan Canada iyo MAreykanka intaba waxna ku qora jariidadadha waaweyn ee Qaaraddan waqooyiga Ameerika.

Akhristayaasha waxaan kaga cudur daaranayaa iney iga raali noqdaan hadaaan hadalka ku dheeraado oo aan xadka goosto, xafladda oo i cajab galisay awgeed.

Wafdiga Gudoomiyaha uu ka mid ah Cabdirisaaq Axmed Xasan oo Reer Amerika ah ayaa waxay Jaaliyadda Canada dejiyeen Hoteelka Xafladdu ka dahaceyso laf ahaantiis, Abbaarihii 7da Fiidnimo intii aaney Xafladdu bilaaban ayaa Anigoo wehliya Wariye Inj. Axmed Shiine waxaan Booqasho gaar ahaaneed ugu tagnay Gudoomiyaha Qolkiisa halkaana isku baranay isagoo noo muujiyay Farxad magaceyga iyo kan MudugNet na horay u heystay.

Wareysi Gaaban uu Axmed Shiine la yeeshay kadib ayaa Gudoomiyuhu ii faahfaahiyay ujeedada safarkiisa oo ah mid Wacyi galin iyo Wax isweydaarsi ah isagoo intaa ku daray inuu aad ugu faraxsan yahay sidi Qiimiga weyn ee loogu soo dhaweeyay Toronto.

Waxaa intaa kadib Dadweyne aad u fara badani ku soo qulqulayeen Maadashii Kulanka oo si aad u weyn ay u xardheen rag firfircoon oo au ka mid ahaayeen Daahir Galbeyte, Cabdicasiis Cali danan iyo Xaaji Xuseen Xirsi dhabbac,iyo Muxyadiin Naaleeye.

Salaadii maqrib markii la wada Tukaday halkiina lagu duceystay ayaa durba waxaa lasoo buux dhaafshay Madashii Shirka sida aad sawirada ka arki doontaan waxayna igu noqotay Fajiciso waayo aalaaba ma dhici jirin in la soo buuxsho Madasha baaxaddaan leh.

Waxaa markiiba loo sare kacay soo Dhaweyntii Gudoomiye Hayl oo si hagar la'aan ah ay Madasha ugu soo dhaweeyeen Rag iyo dumar weliba dumarku gebi ahaantoodba lulayeen Calankii Buluuglaha ee Soomaaliya iyo Midka Casaanka iyo Caddanka leh ee Canada.

Waxaa Xafladaan Xiriiriye ka ahaa Saaxiibkeey Axmed Cali Yuusuf (Dhabaryare) oo ka mid ahaa cayaartooydii kubadda Koleyga ee Jeenyo xilligii aan Garsooraha ka ahaa Xiriirkii Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga. Dhabaryare oo aan ku tiirin jiray inuu yahay nin Reer Puntland ah ayaa Xafladda u daadihiyay si aan caadi aheyn , weliba ii sheegay in uu yahay mid ka tirsan Jaaliyadaha galMudug iyo Puntland labadaba taasi oo noqotay fikir aan si weyn ula dhacay.

Waxaa Xafladaan ka soo qeyb galay Dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee Magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda iyadoo aysan jirin Qabiil ka maqnaa, ayna aheyd Xaflad Soomaaliyeed, Dadka ka hadlayayna ay ahaayeen kuwa aad u diyaarsan oo loo bogay Murtidooda iyadoo ay halkaa Joogeen Fanaaniintii Qaranka oo ay hormuud u aheyd Maamada fanka Soomaaliyeed Khadiija cabdullaahi cameey (Daleys), Fanaanki weynaa Salaad Maxamed Shardi (Salaad darbi) oo isagu todobaadkii dhawaa soo afjaray fankiiss Heerka sare gaaray ee 45 sano uu soo waday isagoo aan halkaas ka heesin balse ku faraxsanaainuu walaalihii kala qeyb galo soo dhaweynta Mudane Hayl, Abwaanad Batuulo Axmed Gaballe, Fanaanadda Da'da yar Fartuun axmed sahal (Birimo), Maxamed Xasan (Caruus) .

Waxaa Aayadihii qur'aanka ka dib Fanaaniintu qaadeen Heestii Soomaaliyeey Toosoo oo markaa loo wada sare istaagay Heesta Calanka.

iyadoo markaa kadib Abwaanad Batuulo Gaballe ay ka tirisay Maanso afareey ah oo ay ugu soo talagashay Gudoomiye Xasan Hayl, iyo Fartuun Birimo oo iyaduna halkaa ka qaaday Hees Wadani ah oo hal ku dhiggeedu yahay maxaa la isku laaya  heestaasi oo ay aad ula dhaceen dhamaan intii madasha ka so qeyb gashay.

Tirada Caaqiladii meesha ka hadlay oo aad u tira badan ayaa n kaliya soo taxayaa Liiska magacyadooda  iyadoo aan raali galin ka bixinaayo hadaan halmaamo magacyada Qaarkood waxaana ka mid ahaa:

1- Sheekh Xirsi

2- Cabdulqqadir galbeyte (EX)

3- Ugaas Maxamed Xaaji Ugaas

4- Xildhibaan Cali Xareed (Xildhibaan Dowladda Federaalka )

5-Cismaan Xaaji Nuur

6- Caraale cali Yare

7-Axmed Saciid

8- Maxamed Tennis Jilicow

9-Sheekh Maxamuud Xaashi

10-Maxamed Cali Xaaji (Macaanow)

11-Maxamed Cali Aadan Gudoomiyaha Jaaliyadda GalMudug ee Canada oo wax yar ka taabtay taariikh nololeedka Mudane Xasan Hayl kuna soo dhaweeyay Micro phone ka Mudane Hayl

Mudane Hayl ayaa wuxuu markiiba dadweynihii meesha isugu yimid u gudbiyay salaan diira oo uu ka waday Madaxweynaha GalMudug Mudane Maxamed Axmed Caalin oo uu khadka Taleefoonka kula hadlay intii aanu shirku bilaaban.

Gudoomiyuhu wuxuu ka hadlay horumarkii galMudug ku talaabsatay khaas ahaan dhanka Caafimaadka, Waxbarashada daryeelka bara kacayaasha Soomaaliyeed .

Xafladdan ineysan jirin mid la mid ah waxaa kuugu daliil ah gudoomiyaha Khdbadiisi ka dib in aan cidina kuraastoodii ka kicin, ilaa uu Xiriiriye Axmed cali Yuusuf (Dhabar Yare) uu cod baahiyaha ka sheegay in barnaamijkii Caawa uu intaas ku dhan yahay ugana mahad celiyay ka soo qeyb galkooda.

Markaas oo badi ay u soo dareereen sidii ay u gacan qaadi lahaayeen Gudoomiyaha  Baarlamaanka GalMudugMudane Xasan Hayl.

Waxaa xusig Mudan in ay jiraan jaaliyado Soomaaliyeed ee ka yimid Toronto banaankeeda waxaana xusid mudan Jaaliyadda Magaalada Hamilton oo iyagu si isku duubni ah sawir ula galay Gudoomiyaha .

Waxaa la isku raacay oo ilaa 17 qof oo aan wareystay oo uu ka mid yahay Ex danjire Maxamed Aweys (Aw-Baarre) (Sawirka Hoose) ay ii sheegeen inaaney horay u dhicin Xafladaan oo kale.

isku soo wada duuboo Jawiga Xafladdan ayaa ahaa mid aad u wanaagsan oo Soomaalinimo ku dheehan tahay iyadoo aan si gaar ah ugu nahad celinaayo Bahda warbaahinta  oo ay ka mid ahaayeen:

Inj. Axmed Cabdulqaadir (Shiine)- Univesal Tv

Xasan Cabdullaahi Xasan (Karate) - Ogaal Radio

Maxamed Daahir Xasan - Codka beesha iyo Universal Tv

Cali Bakri - Universal TV - Camera man

Axmed Cali Yuusuf Dhabar yare - Codka Beesha

Maxamed Cabdullaahi Xasan - Codka Beesha

iyo Aniga oo ah Cabdirisaaq Cadde oo MudugNet ka socday

Waxaa mahad Gaar ah iska leh Guddiga Qaban qaabada Soo dhaweynta Guddoomiyaha oo ay ka mid yihiin:

Maxamed Cali Aadan

Naasir Cabdi Baalle

Cabdulqaadir Ex

Xuseen Dhabbac

Cabdiraxmaan Aw-Aadan

Waxaan filayay shirkaani inuu Beelaha GalMudug mideeyo, wuxuuse noqday mid Beelihii Soomaaliyeed mideeyay,

Ilaahow Soomaalida midnimadooda u soo celi - Aamiin

Cabdirisaaq cadde Siyaad
MudugNet Editor
Toronto, Canada.

Sawirada oo dhamaeystitran oo Flash Movie animation ah halka u sareyso ka daawo