Shahaadooyin la gudoonsiiyay Dufcadii 4aad ee ardayda ka qalinjabisay Dugsiga Sare ee SYL ee Magaalada Gaalkacyo, GalMudug State

 

Gaalkacyo, GalMudug, Isniin 19ka September, 2011.

 

In ka badan 60 arday ayaa shahaadada dugsiga sare la gu gudoonsiiyay hoolka shirarka ee Cabdullaahi Ciise.

Ardadaan ayaa ahayd Dufcadii 4aad ee ka qalinjabisasa dugsiga sare SYL, waxaana xafladdaas goob joog ka ahaa, masuuliyiinta ugu sarraysa Dawladda Galmudug iyo marti sharaf kale oo uu ka dhex muuqday, sarreeye gaas Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ugu horrayntii ka hadlay  maamulaha dugsiga sare SYL Mr. C/casiis  Axmad Bulxan waxa uuna si gaar ah uga hadlay heerarkii uu soo maray dugsigu, gaar ahaan dafcadda sanadkaan qalin jabisay.

Sidookale, waxaa xafladda lagu soo bandhigay deeqdii ugu horraysay ee computer-ro ah oo soo gaarta dugsiga sare SYL taasi oo ay ugu deeqeen qaar ka mid ah jaaliyadda Galmudug ee dalka Canada ku waas oo ay ugu horreeyaan

1.     Cismaan Max’ed Ducaale  oo ah shaqsi mar walba dareensan baahida jirta iyo meesha ay ka jirto.

2.     C/risaaq Cadde Siyaad - Aasaasaha Shabakadda MudugNet

Daaciga deegaanada Galmudug  Sh.Muxyidiin Sh.Yuusuf Barre ayaa daboolka ka qaaday, in dadaal la sameeyay  kadaib, ay ardadaani soo gaareen heerkaan ay maanta joogaan, waxa uuna sheegay in aysan habayaraatee  jirin, cid gacan kaalmo ah siisay marka laga reebo shaqsiyaad uu ka magacaabay Cisman Max’ed Ducaale.

Gen Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), oo erayo ka jeediyay xafladda ay ardada ku dhiiri galiyay in ay sii wataan waxbarashada, isla markaan ka codsaday in ay horumarka Galmudug hormuud u noqdaan sida magaca dugsigu uu hormuud ugu ahaa helitaanka madaxbanaanida Somaliya.

 Ugu dambeentii waxaa xafladda ka hadlay madaxweyne kuxigeenka dowlada Galmudug mudane C/samad Nuur Guuleed isagoona sheegay in ardayda ka qalin jabisay dugsiga sare ee SYL ay yihiin kuwa ugu badan ee kashaqeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn ee ka howlgala deegaanada Galmudug.

Wariye Ceydiid Jubba

 

Caddeyn :

Waxaan Halkaan ka cadeynayaa in Deeqda Computerada oo tiradooda aheyd 10 computer ay xoogga saareen Cismaan Maxamed Ducaale iyo Cabdirisaaq Cadde Siyaad oo kaliya.

Shakhsiga Saddexaad oo magaciisa lagu soo daray warbixintaan wuxuu ka mid yahay Jaaliyadda aan ka aruurinay lacagta oo nala garab istaagay wax gaar ah oo uu qabtay ma jirto sidaas darteed ayaan uga saaray webkeyga si aan loogu qaadan inuu wax dheeraad ah qabtay.

Cismaan Maxamed Ducaale ayaa u mahad celinayaan Shaqsiyaad Badan oo ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto iyo Qaar kale oo ajaanib ah oo qeyb ka ahaa Deeqda Computerada.

Aniga Cabdirisaaq Cadde ahaan waxaan si gaar ah uu mahad celinayaa Shaqsiyaadkii Dhankeyga ila garab istaagay Deeqdaan Computerada  oo kala ah:

Cabdiraxmaan Garas

Seylac Qoobdheer - Xawaaladda Olympic

Bashiir Abshir Cali ( Bashiir Bahweyn)

Cabdiraxmaan Aw-Aadan Liibaan

iyo Xuseen Xirsi dhabbac oo nagala qeyb qaatay heshiiskii Shirkadii aan Computerada ka iibinay ee COMPU CANADA SOLUTIONS.

si gaar ah waxaan ugu mahadcelinayaa Milkiilaha shirkadda COMPU CANADA SOLUTIONS Mukhtaar oo si weyn noola garab istaagay Deeqdaan computerada.

Waxaan kaloo u mahadcelinayaa Shaqsiyaadka kale ee faraha badan ee Ballan qaadka ii sameeyay balse haleeli waayay ineu ii keenaan lacagtaa anigoo ku baraatujinaayo iney deeqdooda u diraan meelihii ku habboon oo ay maskaxdooda ka maagaan.

Cabdirisaaq Cadde Siyaad
MudugNet Editor

Toronto, Canada.



.