Madaxweyne Caalin Iyo qaar ka tirsan labada gole oo ku soo Laabtay Gaalkacyo

 

Gaalkacyo, GalMudug, Isniin 19ka September, 2011.



Masuuliyiin uu hogaaminayey Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa soo gaadhay magaalada Galkacyo ee xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Wafdiga ayaa ka soo kicitimay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka iyagoo halkaasi kaga qayb galay shirkii wadatashiga ahaa ee kadhacay muqdisho Afartii ila lixdii bishan kaaas oo ay soo abaabushay qaramada midoobay islamarkaana looga tashanayey aayaha dalka soomaaliya xilga kala guurka kadib.
 
Shirkaasi wadatashiga aya waxaa ka qayb galayey dawlada Fadaraalka kumeel gaarka maamul goboleedka Galmudug maamul goboleedka Puntland iyo Ahlusunaa .
 
Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaaray garoonka magaalada Galkacyo waxa uu salaan sharaf kaqaatay ciidamada Qalabkasida ee galmudug isagoona salaan caadiya ka qaatay madaxdii faraha badnayd eekusugaysay garoonka iyo waliba ururada bulshada oo ay horkacayeen ururka haweenka ururka dhalinyarada iyo qaybaha kalduwan ee bulshada reer Galmudug iyagoo halkaasi ku ruxayey calanka Soomaaliya iyo calaamado kale oo tusinaya soo dhaweynta madaxweynaha iyowaftiga balaadhan ee lasocday.
 
Wafdiga Madaxweynaha ku wahelinayey safarka ayaa waxa ay isugu jireen xubnaha labada gole ee maamul goboleedka Galmudug oo ay siweyn uga dhexmuuqdeen qaarkatirsa golaha wasiirada ee cusub iyo baarlamaanka Galmudug oo ay hogaaminayeen Gudoomiyaha Baarlamaanka galmudug Mudane xasan maxamuud Hayl iyo ku xigeenkiisa mudane cawke C/Raxmaan Xaaji iyo xubno kale oo aad u farabadan.
 
 
Masuuliyiintan ayaa loosoo galbiyey halka uu madaxweynuhu kadaganyahay magaalada galkacyo ee xarunta maamulka Galmudug halkaasi oo markuu soogaaray uu shir jaraa,id ugu qabtay saxaafada kagana warbixiyey wixii uga soo qabsoomay shirkii ay kaqayb galeen ee muqdisho ee loogu magac daray wadatashiga Qaramada midoobayna gadhwadeenka ka ahayd.
 
 
Madaxweynaha ayaa sheegay in kaqayb galkii shirkaasi uu guul u ahaa maamulka galmudug maadaama uu ku soo beegmay xili Galmudug la balaariyey isla markaana Galmudug dhamaystirantahay xiligan taasi oo uu sheegay in ay sharaf iyo soo dhaweynba u ahayd Reer Galmudug islamarkaana beesha Caalamka iyo dawlada dhexba ay ku qanceen habka aan ugua qayb galay shirkaasi.
 
Dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo saamayn balaadhan ku lahaa dhinaca galmudug iyo dibu heshiisiinta ay wadaan qaar katirsan odayaasha dhaqanka waxaana uu ugu hambalyeeyey sida wanaagsan e ay uwadaan isagoona tilmaamay in Galkacyo aanay dagaaldambe qaadi karin laguna dadaalo sidii arinta gacan kahadalka La iska ilaaliyo islamarkana lagu dadaalo sidii wax kasta wada hadal loogu dhamayn lahaa.
 
Si kastaba ha ahaatee soo dhaweynta madaxweynaha Galmudug iyo wafdiga la socday ayaa ahayd mid aan horay u dhicin isla markaana gilgishay magaalada Gaalkacyo.
 
Fu,aad Xasan caaqil (sanyuura)
sanyuuraf@hotmail.com

 

 



.