Gaalkacyo, GalMudug, Khamiis, 30ka, June, 2011.

Daawo Sawirada oo slide Show ah Halka u hooseysa Boggaan

Saacadu markay ahayd caawa 12kii saqda dhexe ayaa laga taagay  Calanka  buluuga ah ee xidigta shanta gees leh ee ay  dadka Soomaaliyeed aadka u qadariyaan Gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamul goboleedka Galmudug Taas oo lagu soo dhaweeyey in uu saaro madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Iyadoo dhiniciisa ay Ciidamada banbaydu salaam siiyeen madaxweynaha  isla markaana si habsami leh ku dhamaatay qaadashada salaanta kowda Luulyo .

 

Munaasabadan oo lagu qabtay xarunta Wasaarada waxbarashada ee Galmudug ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda ugu saraysa maamulka Galmudug iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay horkacayeen ururada dhalinyarada ardayda ururada haweenka iyo waliba qaybo badan oo kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

 

Halkaasi ayaa waxaa khudbooyin guubaabo ah ka jediyey madax iyo masuuliyiintii ka soo qayb gashay.

 

Waxaa markii ugu horaysay lagu daah furay ciyaaraha dhaqanka oo ay soo bandhigeen kooxda ciyaaraha ee Galmudug oo soo bandhigay ciyaatro aad ugu farxeen  dadweynihii kasoo qaybgalay.
 

Iyadoo halkaasi khudbooyin kala duwan laga jeediyey ayaa waxaa ugu muhimsaanaa hadalkii uu jeediyey Gudoomiyihii Gobolka mudug Imaan Xasan jiirow oo sheegay in loo baahanyaha caawoo kale in si wayn looga qayb qaato xuska maalintan.
 

Waxaa kale oo isna halkaasi hadal kooban kajeediyey Afhayeenka maamulka GalmudugMudane Axmed Maxamed Xasan (Baasto) oo sheegay in Galmudug ay Astaan u tahay umada Soomaaliyeed loona baahanyahay in ay dadka reer Galmudug naxariis u muujiyaan dadka barakacayaasha ah.

 

Waxaa kale oo Khudbad Qiima leh ka jediyay Munaasabaddan weyn Wasiirkii hore ee Waxbarashadam dhalinyarada iyo Isboortiga  Burhaan Warsame Cigaal.

 

Ugu dambayntii waxaa halkaasi hadalkooban ka jeediyey madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug mudane Maxamed Axmed Caalin oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay habka loo soo agaasimay xafladan oo midi ugu qiimaha badnayd mar uu kahadlay xukuumadii uu kala diray ayuu sheegay in hada looga baahanyahay shacabku in ay ka soo talabixiyaan dadka loomagaacabayo.

 

Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu kahadlay iskudhacii manta kadhacay qaybo kamid ah Gobolka mudug oo uu eeda dusha uga tuuray dadka ka soo jeeda degmada cadaado waxaana uu tilmaamay in iyaga dhinacooda ay mar kasta nabada diyaar u yihiin balse ayna gacmaha ka laabanayn iyadoo shacabkooda hortooda lagu gumaadayo.

 

Madaxdii kale ee xafladda Qiimaha weyn ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee GalMudug Maxamed Cali Gureey, wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda haweenka iyo Arimaha Qoyska Maymuuna Cali Nuur

 

Fu'aad Xasan Caaqil (Sanyuura)
Galkaio, Galmudug State, Somalia.

 

.