Ardayda Mudug university oo qado sharaf u sameysay arday reer Galmudug ah oo dibadaha ka timid.

 

Gaalkacyo, GalMudug State, Arbaco, 27 ka,  Luulyo, 2011.

Daawo Sawirada( Xuquuqda sawirada iyo Warbixinta Qiimaha leh waxaa iska leh Wariye Ceydiid Jubba Mahad Dhankeenaa Ha ka gaartee)

 
Marti qaad si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana loo sameynanay arday reer Galmudug ah oo dibadaha wax ka barata ayaa maanta waxaa qabtay ardayda Jaamacadda Mudug ee magaalada Gaalkacyo.
 
Waxaa marti qaadkaasi sidoo kale lagu casumay mas'uuliyiintii wax ka aasaasay jaamacadda Mudug iyo macalimiin wax ka dhigta jaamacadaasi iyadoona halkaasi qado wada jir ah ay kuwada cuneen ardayda jaamacadda iyo ardayda la marti qaadayay.
 
 
Qado kadib ayaa waxaa ay yeesheen mas'uliyiinta iyo labada arday ayaa ardayda Mudug waxa ay ka warbixiyeen halka ay marayaan howlaha waxbarasho ee ka jira Galmudug iyagoona sheegay in ay deegaanada Galmudug waxbarashadooda haatan ay kabanaysdo iyadoona haatan ay jiraan labo Jaamacadood.
 
Ardayda dibada wax ka barata ee Galmudug oo ka kala yimid Camoud, Pakistan iyo China-ha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta soo dhaweeyaan ardayda jaamacadda Mudug isla markaana ay in muddo ah ay ku taamayeen in ay si xeel dheer u ogaadaan xaaladaha waxbarasho ee Galmudug.
 
Ugu dambeentii qaar kamid ah aasaasayaasha Jaamacadda Mudug oo ay kamid yihiin Sh.Muhidiin Yusuf Barre, Cabdi Saxane, Calisaciid Garaad, Dr. Maxamed xaaji Ereg iyo Sh.Cumar awoowe ayaa dhamaantood waxa ay si heer sare ah ugu baaqeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay arkaan arday heer jaamacadeed ah oo u soo kacaya bulshada Galmudug.

Booqashada Noocan oo kale ah ee Ardayda GalMudug ee Dibadaha wax ka barta heer kasta oo waxbarashadoodu tahau (Mid Dusi dhexe, Dugsi Sare ama Jaamacadeed) ayaa xaqiiqdii dhiiri gelin u noqoneysa Ardayda walaalahooda ah ee Nasiibka u yeeshay in ey Galmudug iyo Gurigii ay ku dhasheen wax ku bartaan.

Jawiga Xafladdan ayaa ah mid aan hadal lagu soo koobi karin iyadoo Maxabbada iyo Reynreynta ka muuqatay ka soo qeyb galayaasha ay aheyd mid aad u sareysay.
 
Caydiid Mxa'ed Cali
Jubba1.5@hotmail.com

 


Waxay ii tahay Farxad weyn, Xushmad iyo Qadarin Annagfoo ku hadlaayo Magaca Dhamaan Bahda MudugNet Kuwa Hore iyo Kuwa Cusub inaan Maanta aan Tifatiro Warkaan Farxadda Weyn Leh ,  Waxaan Ka jeclaan laheyn angoo Live Tv u soo deyno Dadaalka Ardaydaan Garashada iyo Caqliga Saliimka ah Ilaah siiyay, Waxaana ku raja weynnahay inaan Mar Dhow Suurta galinno Live TV BroadCasting from GalMudug to all Over the world, waana arinta uu hadda Safar Howleedka uugu Jiro Walaalkeen Cabdirisaaq Cadde oo Fasax nooga Maqan Tan iyo Dhamaadka Bisha Ramadaan ee Barakeysan.

Anigoo Ah Saami Bile iyo Dhamaan Nahda kale ee MudugNet Waxaa Salaan Kalgacaltooyo Gaarsiinaayaa Ardayda walaahaayna ah ee Booqday Dhulkii Hooyo Waxaana leeyahay Guuleysta Adduun iyo aakhiro.

Saami Bile
Tifatiraha Guud ee MudugNet
St-Louis , Missouri, USA