Degmada Bandar Qaali oo hore Loo Oran Jiray Qodaxtoole oo la dhagax dhigay M.C.H iyo Saldhiga Booliska

 

Gaalkacyo, GalMudug State, Arbaco, 27 ka,  Luulyo, 2011.


 
Sadex bilood ka hor ayey ahayd markii madaxweyanaha maamul goboleedka Galmudug mudane Maxamed Axmed Caalin uu magacaabay degamada Qodaxtoole islamarkaana kabadalay magacii hore una bixiyey degmada Bandar Qaali ayaa hada waxaa la dhagax dhigay sildhigii ay ciidamada nabadgalyadu ku shaqayn lahaayeen iyo xarun cafimaad oo loogu tala galay xanaanada caruuta iyo hooyadataasi oo noqonaysa talaabadii ugu horaysay ee ay dadka deegaankaasi u qaadaan dhinaca horumarinta dalka.
 
 
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Mudane Xasan Maxamuud Hayl oo isagu hogaaminayey waftigii dhagaxdhiga samaynayey ayaa isagu dhagaxdhigaasi markii ugu horaysay dhigay meesha loocalaamadeeyey saldhiga iyo waliba xarunta xanaanada caruurta iyo hooyada ee magaalada Bandarqaali.
 
Gudoomiyaha oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa marka hore uga mahadceliyey dadkii kaqayb qaatay bilaabista mashruucan oo ah mid aad ugu muhim ah dadka ku nool deegaanada Galmudug.


Dhinaca kale waxa uu ugu baaqay dadka wax haysta ama dibada ha joogeen ama gudaha hajoogeene in ay ku daydaan taalabadaasi geesinimada leh eeay sameeyeey dadka reer Bandar qaali.
Degmada BandarQaali ayaa iyadu tusaale muhim ah u ah dadka kale ee jecel in ay horumariyaan deegaanadooda isla markaana dhiiri galin u ah ku dayashana mudan
 
Fu'aad Xasan Caaqil(Sanyuura)
sanyuuraf@hotmail.com/sanyuraf@gmail.com
M
udugnet.com Galkacyo Galmudug Soomaaliya