

Wafdi ka socday ardayda Galmudug
ee Jaamacadda Camuud oo booqatay
Jaamacadda Mudug iyo Isbitalka
Koofurta Gaalkacyo.
Gaalkacyo, GalMudug State,
Talaado,
19 ka, Luulyo, 2011.
Ardayda Galmudug ee waxkabarata jaamacadda Camud ayaa manta booqday Jaamacadda Mudug iyo Hosbitalka koofurta Gaalkacyo iyagoona kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta xarumahaasi.

Wafdiga oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha ardayda Galmudug ee jaamacadda Camuud Sayid Yaasiin Maxamed, kana mid ahaayeen Madaxa Maaliyada C/lahi Cali Kaahiye iyo C/fitax Saadaq Axmed Madaxa arimaha Dibadda .

Ardayda oo magaalada Gaalkacyo soo gaaray maalinimadii shalay ayaa maanta booqashadii ugu horeysay ku tagay jaamacadda Mudug, halkaasi oo ay kulan kula qaateen gudoomiyaha Mudug University Prof: Huseen Salaad Wehliye isagoona oga warbixiyay qaabka ay u shaqeyso jaamacadda uguna baaqay ardayda in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadooda, sidoo kale waxaa halkaasi ay kulan kula qaateen Shiikh Muhidin Yusuf Barre oo ah dadka ugu cadcad waxbarashad Galmudug isagoona u balanqaaday in Galmudug lagu soo dhaweynayo ardaydaasi.Wafdigan Ardayda ah oo Booqday Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo ayaa kulamo la yeeshay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Dr. Maxamed Cabdi Axmed oo uga warbixiyay Qaabka isbitaalku u shaqeeyo, Tirada Shaqaalaha iyo Baaxadda Howlaha Caafimaad ee uu Isbitaalku u fidiyo Bulsha weynta Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxay kulan la qaateen Dhaqaatiirta Isbitaalka iyo Kalkaaliyaasha Caafimaadka intoodii Waqtiga u saamaxay iyagoo booqashadoodu ku beegantay xilli uu Isbitaalku aad u mashquulsan yahay dhan kasta .
Gudoomiyaha ardayda jaamacadda Mudug Xasan Khaliif iyo Max’ed Max’ud Samater ayaa iyana kulan la qaatay xubnahaasi iyagoona u balanqaaday in ay siguud ardayda jaamacadda Mudug ay ula kulansiin doonaan.
Caydiid Max’ed Cali {Jubba}
Jubba1.5@hotmail.com