

Madaxweynaha
Dawlad
Goboleedka
Galmudug oo
kulan la qaatay
Maamulka iyo Ardeyda Jaamacadaha Galkayo University iyo Mudug
University.
Gaalkacyo, GalMudug State, Axad,
10 ka, Luulyo, 2011.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa waxa uu kulan la qaatay Maamulka iyo Ardeyda Jaamacadaha Galkayo University (GU) iyo Mudug University(MU), kulnkaasina waxa uu ka dhacay hotelka embassy ee magaalada Galkacyo.

Kulankaasi waxaa looga wada tashanayay sidii ay Maamulka iyo Ardeyda Jaamacadaha uga qeeyb qaadan laheyd dhisida golaha wasiirada taasoo la sugayo inuu ku dhawaaqo madaxweeyne Caalin.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay madaxa ugu sareeya jaamacada mudug xuseen salaad waheliye asagoo u soo jeediya Ardeyda halkaasi isugu timid ineey yihiin dadka muhiimka ah ee la doonayo ineey biri bushada hogaamiyaan waxa uuna u mahad celiyay madaxweeynaha galmudug sida uu udoonayo in lahelo dad masuuliyad qaadikara bushdana wax u qabankara.
waxaa Sidoo kale kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha jaamacada Galkayo University (GU) Pro. C/qaadir Maxamad Shirwac oo isna kahadlay ineey muhiimtahay wadatashiga ayna tahay tankaliya ee hormar lagu gaarikaro waxa uuna intaasi ku daray indadaalo looga baahan yahay dhamaan Ardeyda iyo Bulshada reer Galmudug.

Waxaa Sidoo kale halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Iskaashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Galmudug Cumar Maxamed Maxamuud roobel Cumar suuri, Asagoona ugu horayn u mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug, kala diridii Xukuumadii uu asaga ka mid ahaa taasi oo aan qaban wax yaabihii looga fadhiyay, Cumar surri ayaa soo dhaweeyay Xil ka qaadistii lagu sameeyay, Waxa uuna ugu danbaytii baraarujin u jeediyay Bulshada madasha fadhisa in ay aayahooda ka tashtaan ayna la yimaadaan Dad wax u qaban kara ee matala.
Ugudanbeeyntii madaweeynaha ayaa makarafoonka lagu wareejiyay asgoo bulshadii halkaas isugu timid iyo ardooyinkii jaamacadaha u sheegay ineey ka qeybqaataan sidii loo soo xuli lahaa wasiiro waxqabad leh.
Sidoo kale madaxweeynuhu wuxuu ku baraarujiyay in uusan hadal wax tarin muhiimadu ay tahay waxqabad, Asagona hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in goor dhaw soo magacaabi doono Xukuumad cusub oo wax tar leh.
Sikastaba ha ahaatee hadalka madaxwenaha Galmudug ayaa ku soo beegmaya Xili dhawaan uu kala diray Dhamaan Wasiiradii iyo wasiiro ku xigeenadii Galmudug.
Nuuradiin Cismaan Maxamed (Abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com or Abuuakram1@gmail.com
Galkacyo-Galmudug-Somalia
Tell: 0025290/753825