Gaalkacyo, GalMudug State,Khamiis, 7da,  Luulyo, 2011.

 

Manta oo ay taariikhdu ku began tahay 07/07/11 ayaa waxaa hal sano jirsatay Jaamacada Mudug xafladii sanadguurada koowaad ayaa waxaa lagu qabatay Hotelka Caalamiga ah ee embassy ee bartamaha magaalada Galkacyo ee xarunta maamul Goboleedka Galmudug.

Munaasabada oo si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda labada gole ee maamulka Galmudug ururada bulshada qaybaheeda kala duwan Ardayda jaamacada Mudug Ardayda Jaamacada Galkacyo qaar kamid ah iyo waliba madaxda labada  Jaamacadood iyo madax kale oo farabadan oo ay kamid ahaayeen abwaano iyo fanaaniin ka soo qayb galay xaflada xiritaanka Jaamacada.

Xafladan sida wayn loo soo qorsheeyey ayaa isugu jirtay  laba qaybood oo kala ahaa mida sanadka koowaad ee Jaamacada iyo mid ardayda qarkamid ah lagu gudoonsiinayey Shahaadooyin dibloma ah oo looyaqaan (G.E.D)Taasi oo ah in ardaydu wixii sadex sano ay ku baran lahaayeen ay baranayaan mudo hal sano ah waana arin ku cusub deeganada ay soomaalidu degto.

Iyadoo halkaasi khudbado kala duwan laga jeediyey  ayaa dadkii ka hadlay waxaa kamid ahaa qar katirsan ardayda Jamacada Mudug arday dalka dibadiisa wax kabarata isla markaana fasax ku jooga deegaanada Galmudug gaar ahaan ardayda waxkabarata Jaamacadaha dalka Malaysia iyo ardayda jamacada Galkacyo.

 

Sidoo kale waxaa hadalka lasiiyey qaybaha ururada bulshada oo iyagu tilmaamay qiimaha wax barashadu leedahay

 

Dadkii intabadan kahadlay xaflada waxay awooda saareen in ay kahadlaan dhinaca nabadgalyada oo ah waxa kaliya ee shacabka soomaaliyeed maanta  u baahanyahay.

Intaasi kadib ayaa waxaa makarafoonka loodhiibay Pro.Xuseen Salaad Waheiye oo isagu siwayn ugu dheeraaday ahmiyada ay u leedahay wax barashadu deegaanka galmudug isagoona tilmaamay in dhaliyarada waxbaranaysa looga baahanyahay in aqoontooda ay u gudbiyaan dadka walaalahood ah ee u ooman aqoonta islamarkaana ay keentay in ay qoryaha qaataan aqoon la,aan darted hormuudka Jaamacada mudug waxa uu kadhawaajiyey gaba gabadii hadalkiisa in uu shaqada ka fariisan doono sababo laxiriira dhinaca caafimaadkiisa awgeed islamarkaana Jaamacadu yeelandoonto masuul cusub oo halkii uu wax gaarsiiyey kasii amba qaada.

 

Pro.C/qaadir Maxamed Shirwacoo ahaa masuuliyiintii kasoo qayb gashay xaflada xiritaanka Jaamacada Mudug ayaa isgu halkaasi kasoo jeediyey hadalo dardaaran qiiro galin waxbarasho jacayl iyo guubaabo isugu jirta ka jeediyey waxaana uu kula dardaarmay ardayda Jaamacada looxirayo in ay ogaadaan in masuuliyadi saarantahay loogana baahanyahay inwaxa ay barteen ay u gudbiyaan walaalahooda aan fursada u helin ay waxbartaan xiliga fasaxana ay aad isugu mashquuliyaan sidii ay uga shaqayn lahaayeen  amniga waxaana uu tilmaamay hadii nabad lawaayo in qofkasta uu qadan doono qori islamarkaana ay dhibaatadu sii kordhi doonto.

Dhinaca kale waxaa lagu soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug mudane Maxamed  Axmed Caalin oo halkaasi hadal dheer ka jeediyeydhinacyo badana taabanayey.

 

Waxa uu sigaar ah farta ugu fiiqay in maamukiisa ay ka go,antahay in uu kashaqeeyo amaanka gudaha iyo kadariskaba waxaanu ugu baaqay dhalinyarada reer Galmudug in aydhexda u xirtaan sidii ay si wada jir ah uga shaqayn alahaayeen nabada.

 

Madaxweyne caalin ayaa markii ugu horaysay sheegay in uu xukuumad cusub oo uu bulshada qaybaheeda kala duwan kala tashaday ku dhawaaqi doono maalinta sabtida ah ee sagaalka July.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xili uu madaxweynuhu kala diray xukuumadiisii 26kii bishii June ee la soo dhaafay ilaa iyo xiligaasna wax arintaasi ku aadan lagama maqal madaxweynaha.

Isku soo wada duuboo jawiga xaflada ayaa ku soo dhamaaday mid dagan oo ay farxad iyo rayn rayni ku dheehantahay

Fu’aad Xasan Caaqil

sanyuuraf@hotmail.com

mudugnet.com/Galkacyo galmudug  Soomaaliya

Xuquuqda sawirada waxaa iska leh wariye Sanyuura iyo MudugNet

.