Wafdi isugu jira ururada SOSDA, Al-IHSAAN iyo ardayda ka qalin jabisay dugsiga sare ee SYL oo booqday degmada Wisil.

 

Wisil, GalMudug, Axad, 3da,  Luulyo, 2011.

 

Wafdi aad ubalaaran oo isugu jira qaybo kala duwan ayaa waxa ay tageen magaalada Wisil si ay bulshada ay kala hadlaan wanaaga ay waxbarashadu u leedahay nafsadooda iyo deegaankooda.

Ugu horeyntii waxa ay kulamo la yeesheen gudiga waxbarashada degmada si ay kaga helaan xog dhameystiran oo ku aadan waxbarashada,gudiga waxbarashada deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in loobaahanyahan in Wisil bulshadeedu  ay hesho wacyi galin ku aadan waxbarashada.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxa ay goob fagaaro ah kula hadleen bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoona ay kasoo qayb galeen kulankaasi qaar katirsan culumada dagmadaasi.

Kulanka ayaa waxaa furay Sh.muxidin yusuf  barre oo siqoto dheer ugu booriyay dadka wisil in ay waxbartaan islamarkaana ay diinta gacanta midig kuqabtaan waxbarashada maadiga ahna ay bidixda ku heestaan.

Shuuke xogolof oo wafdiga kamid ahaa ayaa waxa uu isana isicad farta ugu goday in dagmada Wisil looga baahanyahay in ay qof yar iyo mad waynba ay uistaagaan waxbarashada islamarkaana ay caruurtooda waxbarasha udiraan.

Khaliif oo dadka degmasaadi kamid ah ayaa waxa uu shaaca kaqaaday in ay dadka Wisileed ay aad ugu soo jeesteen in ay waxbartaan islamarkaana haatan ay diyaar uyihiin haatan.

Ardayda kaqalinjabisay dugsiga sare ee SYL Gaalkaio oo kasoo jeeda degmadaasi oo iyana kalmado kasoojeediyay goobtaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay deegaankooda ay wax usoo barteen haatana ay diyaar u yihiin dadkooda ay waxbaraan.

Caydiid max’ed cali                         Degmada Wisil

Jubba1.5@hotmail.com

Madaxa xafiiska arimaha bulshada