

Munaasabadda Ciidal Fidriga oo
si mid ah looga tukaday
deegaanada Galmudug State
Gaalkacyo, GalMudug, Arbaco 31ka,
August, 2011.
Maanta oo ah maalintii koowaad ee ciida Ciidal Fidriga ayaa laga tukaday deegaanada galmudug si aad u balaaran oo aan kala har lahayn in kastoo maalintii shalay ay tukadeen dad aad u tira yar ayaa hadana garoonka Sheekh Ilka Dahable waxaa subaxnimadii hore ee saaka isgu tagay dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Galkacyo ee Xarunta Maamul goboleedka Galmudug.

Garoonka ayaa isagula ciirciirayey dad waynahii faraha badnaaee halkaasi isugu soo baxay si ay ugutaan talaada ciida dad weynahaasi ayaa iyagu ku soo labistay qofwaliba dharkiisa kii ugu bilicda wacnaa oo aad sigaara garoonka u sii qurxiyey.
Dad waynahiiciida tukashadeeda u yimid ayaa waxaa ku wahelinaayey masuuliyiinta ugu saraysa e maamulka Galmudug oo kakoobnaa golaha xukuumada oo uu horkacayey Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka.
Nabad gelyada garoonka oo ay si wayn u ilaalinayeen ciidamada amaanka Galmudug aya halkaasi waxaa laga jeediyey khudbado ku saabsan cabsida Ilaahay iyo waliba in loo naxariisto dadka aan wax haysan lagana farxiyo maanyoo kale culimaa,udiinkii ka hadlay waxaa kamid ahaa Sheekh Muxyadiin Yuusuf Barre oo isagu si gaara uga hadlay nabadgalyadu bulshada qiimaha ay ugu fadhido isagoo tilmaamay in hadii umadi aanay haysan nabad ay noqonayso markaas mid aan jirin oo iyadu xisaabta kabaxda.

Sheekhu waxaa kale oo uu ugu baaqay dadka ilaahay wax siiyey in ay ilnaxariisle ku eegaan dadka iyagu aan wax haysan iyo kuwa kasoo salkacay guryahoodii martina ku ah deegaanka waxaanu gaba gabadii hambalyo udiray umada Islaamka meelkasta oo ay joogto Gaar ahaan umada Soomaaliyeed wuxuuna Ilaahay uga baryey in cidan ciideeda ay ku gaaraan dawlad cadaalad ah oo ay helaan.
Masuuliyiintii halkaasi hadalada ka jeediyey waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug mudane Iimaan Xasan Jiiraw oo isagu hadalkiisa ku so koobay ilaalinta nabada iyo in bulshada iyo maamulku ka wada shaqeeyaan.
Ciiddan ayaa iyadu u muuqatay mid ka duwan ku hore marka laga fiiriyo sida balaaran ee ay dadku uga soo qayb galeen waxayna isugu hambalyeynayeen Ciid mubaarak kulu caam wa antum bi khayr.
Fu'aad Xasan Caaqil (Sanyuura)
sanyuuraf@hotmail.com
mudugnet.com Galkacyo Galmudug Soomaaliya
.