

Wafdi Kasocda Qaramada
Midoobay oo Soo Garay Xarunta
Galmudug
Gaalkacyo, GalMudug, Arbaco
24 ka,
August, 2011.
Maanta aya waxaa soo gaadhay magalada Gaalkacyo ee xarunta maamul goboleedka Galmudug wafdi ka socda Qaramada midoobay oo uu hogaminayo u qaabilsanaha Galmudug iyo Puntland ninka lagu magacabo Fadirec.
Wafdiga ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Gaalkcyo waxa lagu soo dhaweeyey xarunta madaxtooyada halkaasi oo ay kulan kula qaateen masuuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Maxamed Axmed Caalin.
Waxayna si weyn uga wada hadleen xaladaha abaraha ee haatan ka taagan guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan Galmudug oo inta badan la iskula lafa guray barakacayaasha faraha badan ee kusugan Galmudug sidii wax loogu qaban lahaa.
Kulankaasi kadib ayaa waxa ay kormeer ku soo mareen qaar ka mid ah xeryaha ay ku jiraan barakacayaasha qaarkood .
Marki lasoo garay xerada barakacayaasha Hiiraan ayey madaxweynaha iyo wafdigii Qaramada midoobay ka socday waxay halkasi ka jeediyeen hadalo kooban ugu horayn waxaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa jeediyey madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug mudane Maxamed Axmed Calin.
Madaxweynuhu waxa uu baaq u diray hay'adaha gargaarka bixiya wxaana u hadalkiisa ku sheegay in ay Galmudug ku noolyihiin barakaca yaasha ugu badan dalka Soomaaliya marka laga reebo ceelasha biyaha
Dhinaca kale waxa uu u jeediyey baaq Dawlada ku meelgaarka ah una sheegay in ay dawladu fiiriso Gobolada kale ee dhibatada Abaaraha iyo barakacuba ka jiro Galmudugna kamidka tahay.
Kadib hadalka waxaa qaatay masuulkii ka socday Qaramada midoobay oo kamahad celiyey sida wanagsan eeloogu soo dhaweeyey Galmudug islamarkaanawaxa uu sheegay in uu gudbin doono xaaladaha adag e kajira Galmudug wax badana laga qaban doono.
kormeerkii wafdigaayaa ku soo dhamaaday si nabad ah
Fu'aad Xasan Caaqil (sanyuura)
sanyuuraf@hotmail.com
Mudugnet.com
.