Gaalkacyo oo laga xusay sanad guuradii 5aad ee Galmudug.

Xuquuqda Sawirada iyo Qoraalkaba waxaa iska leh Wariye Ceydiid Jubba

Gaalkacyo, GalMudug, isniin,  15 ka,  August, 2011.

 

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug ayaa maanta waxaa laga xusay sanad guuradii 5aad ee kazoo wareegatay aasaaskii Galmudug.

Xaflad siheer sare ah loosoo agaasimad islamarkaana ay kasooqaybgaleen qaybaha kala duwan ee mas’uliyiinta iyo shacabka Galmudug ayaa waxaa lagu qabtay garoonka weyn kubada cagta C/lahi Ciise iyadoona lagu soo bandhigay waxyaabihii uqabsoomay Galmudug.

Ciidamada qalabka sida ee Galmudug ayaa wax ay dhoola tus kusameeyeen fagaaraha barxada waxaa sidoo kale halkaasi maray dagmooyinka deegaanada Galmudug ,ardooyinka jaamacadaha iyo dugsiyada waxbarashada ee Galmudug.

Mas’uuliyintii halkaasi kahadashay ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha baarlamanka Galmudug mudane:Xasan max’ud heyl,wasiirka arimada Gudaha Abshir Diini Cawaale iyo mas’uliyiin kale iyagoona siwadajir ah usheegay in hormarka ay Galmudug gaartay uu yahay mid lataaban karo loona baahanyahay in horay loo siiriixo.

Ururada Hawenka iyo ururada dhalinyada oo ay uhadleen madaxdoodu Xabibo Kofurow iyo C/raxman nadara ayaa shegay sida ay ugu faraxsanyihiin guulaha ay Galmudug gaartay.

Ugu dambeentii madaxweynah Galmudug oo qudbad xiiso leh jeediyay ayaa waxa uu siqoto dheer oga warbixiyay hanaqaadkii Galmudug iyo hormarka xaga dibada ay aqoonsi kaheshay beesha caalamka isagoona sheegay in arintaasi didaal lagu gaaray ,madaxweynaha oo hadalkiisi sii wata ayaa yibaaxay in loo banyahay dib udhis gudaha laga sameeyo isagoona jaaliyada Galmudug ee dibada ugu baaqay in ay Galmudug maal gashadaan madaxweynaha ayaa baaq ujeediyay beesha caalamka oga codsaday in ay soo dagaan deegaanada Galmudug deeqahana sitoos ah usoo gaarsiiyaan dhulka Galmudug.

Caydiid Max’ed Cali

Jubba1.5@hotmail.com

 



.