Waa gabay la magac baxay "Qalin Duurre iyo Qaswade", waxana tiriyay Avv.Cabdiraxmaan Xaaji Ereg.

Qaran dumay qasaaraha dhacayiyo qaylada isgaartay

Qaxa dhacay baruuddaa qarxiyo qiiqa damiwaayay

Dhiigaa qulquliyo nabadda qarka laga tuuray

Qab-qab dhaafka la wadiyo qaadan kariwaaga

Qummanahan nin waliba qoorta loo suray

Qawlaysatada bad iyo birri qaraabka u taagaan

Qashinkan la soo dhoofiyay ee xeebta lagu qubayo

Hay'adahan soo qamaamiyoo waxna qabanaynin

Qurgooyada waxgaradkiyo dilalka qorshaysan

Faragalinta qaawan iyo shisheeyaha qaladka daynwaayay

Siyaasaddan qarriban iyo qaska dami waayay

Waa shirqool qoondaysan iyo qaab gumaysiye

Waa kala qoqob dadkeeniyo qaybi oo xukume

Waa qarankeeno la waayiyo qaab sillooniye

Qalad-qalad ku sax iyo fawdada la iska wada qaatay

Xaajadan qarracanka leh ee quusto dabataallo

Waa qaynuun darro baahdiyo qaab badownime

Waa waxan qayrkeen uga harnoo qoolka nagu ridaye.

Hayeeshee caanihii qubtaa marbay qabasha yeeshaane

"Ummaddii qummani talay wada qorshaysaaye

Wallee qalaalaasaha Soomaalidan qaayo lagu gaarin

Qaabka wada jirka ayaa lagu quwoobaaye

Walleee qaybsanaanta aan arakaa guulo lagu qaadin

Gobonnimada dad qaaliya darteed qisaas loo dilaye

Iyagoo aan dambi qabin in badan jeelka lagu qubaye

Taariikhdood waa qorantahoo waana laga qisoodaaye

Wallee nin dalkiis qaainay ayaan qurux ku noolaanin

Wallee duul qabiil ku loollamaa qaran ahaan doonin

Wallee nin qayrkii ka haray ayaan horumar qaayibin

Wallee nin aan Quraan baranin aayaan qaari'noqonayn

Qawlkiii Alliyo Rasuul waa mid qaaliyehe

Qarniyaal soo taxnaa baan ahayn muslim qaalise

Qalin duuree iyo qas wade ayaa qoorta noo gale

Qarribaadda ay wadaan ayay qaran ka doorteene

Waxan diintu qabinna waa nagu qasbaayaane

Eebbo naga qabo adaa qaadira  oo jire