Dood furan: Shan sano ka dib iyo heerka ay Galmudug mareyso..

MudugNet Isniin 15ka August, 2011



Bismilah:-

Waa su’aal toos ugu socoto dhamaan shacuubta degta ama ku abtirsata deegaanadaas,
Su’aashaas oo ah 5 sano oo maamul (haduu yahay mid sax ahba) uu jirey ma xaq baa iney GALMUDUG ahaato maanta sida ay tahay ? Waxaa la soo gaarey xiligii uu maanku shaqeyn lahaa, waxaa lasoo gaarey xiligii ay umadu wax is waydiin lahayd, waxaa lasoo gaarey xiligii ay xisaabtu bilaaban lahayd, waa hadii ay cadaalad iyo maskax hufan jirto oo ku dheehan in laga fogaado Waa Anaga, iyo Anagaa niri. warkeena ayaa soconayaa, dadka kale maxay yihiin.

Galmudug 5 sano ka dib aniga aragtideyda waxay ahayd ugu yaraan gaarto  heer lagu daydo  oo tusaale ahaan loo soo qaato. waxay ahayd inay noqoto meel ay ka jirto horumar dhan walbo leh, sida wax barashada, caafimaadka, biyaha. wadooyinka. (Social development and infrustructure), wallow dhinacyadaas dadaal laga muujiyay kamana iman maamulka jira waxaan la dafiri Karin iney ka yimaden shaqisiyaad is xilqaamay, dabcan intii la awoodo ama wax noqon karo ugu yaraan wax lagu faano oo cadeynaayaa ka dib mudadaas dheer oo maamul ka jirey waxii laga dhaxlay maamulkaas.

Dhanka siyaasada, hadii ay run jirto oo dadku uusan wadin sheekadii ahayd Dhaantada inoo wada. iyo waxii Soomali soo gubay. aniga waxaan qabaa iney Galmudug mudadaas dheer ay ku noqon kartey meel ay ka jirto Kala dambeyn dhinaca amniga ah xareynta dhaqaale iyo waliba furida deked iyo Airpor hoos taga Galmudug  iyo waliba furida nidaamka xisbiyada badan (Multi party system) oo uu ay xukuumad walbo noqoto maxaa taqaanaa? maxaa dadka u qaban kartaa? qof walbona oo xukumaadaas ka mid ah uu helo cod uu kasoo kasbadey shucuubta kala duwan ee Galmudug.

Balse aqristow intaasoo dhan ma dhicin, Waxaaba la oran karaa waxay u shaqeysay Galmudug dhinacaas wanaaga ah caksigiisa ama dhanka ka soo horjeedo. oo ah waxay ka talisey, wax qabad la’aan. Hadii aynu su,aal is weydiino Galmudug manta maxaan ku amaani karnaa waa suura gal iney dad ka warqaba arintaas waxaana jecelahay iney soo bandhigaan si looga qanco.

Dadka Reer Galmudug, ha ogaadaan iney yihiin dad isku asal ah iyo isir ah, isku dan ah isla dhashey aana kala tageyn, Ha ogaadaan iney dhibaatooyinkaan oo dhan ay ugu wacan yihiin koox daneystayaal ah, oo doonaya iney ku gaaraan Galmudug danahooda guracan iyo hamigooda qaabka daran ee ku doonayaa iney Somaliya wax kaga noqdaan, Balse ma ilaawdeen in ay dadkaan u dhaarteen iney Galmudug wax u qabtaan oo aysan u dhaaran iney Somali kursigeed ku gor gortamaan oo aysan Galmudug ka dhigan jaran jaro ay ku gaaraan xukunkooda??  War aaway dadkii aqoonta lahaa, War aawey wax garadkii dadka, Aawey umadii lahayd xigmada iyo caqliga? ma waxaan ku jireynaa  anagaa madaxweyne ah. Wiilkeenii Waaye, waa markeenii, ninba markiisii waaye, Walaahi caqligaas xunka ah ineysan dadkaan dan u wadin balse way burburineysaa, xumaantana guri walbo ayay taaban doontaa.

Dadka u dhashey deegaanadaas ha is waydiiyeen hadaan waxaas oo tacadi ah aan u dulqaadaneyno  Maxaan Labaatan  sano ka hor u qaadanay hubka oon xoog iyo xeelad iyo naf iyo maan u galiney inaan ka hor imaano dowladii dhisneyd oo ay umadoo dhan isku raacsaneyd? Waxay joogtaa maanta xiligii la cadeyn lahaa inuu halgankaas qaldanaa, ama saxnaa, sababtoo ah hadaan u sacbino oo raali ka noqono oo niraahno waa wiilkeenii, dee waan qaldaneyn markaan ka hor imaaneynay dowladii dhaxe ee Somaliya ka jirtey, hadaanse iska qabano oo niraahno Niman yahow maamul xumada  ah waa laysla fahmey intaan hana kala gaarto, oo ay dadku tashtaan, taas waxay tuseysaa umada iyo caalamka inaan nahay umad markii horena ku dagaalantey nidaam xumo  hadana wali sidii ku socoto.

Gabagabadii tani waa dood furan oon ugu gol leeyahay dadka ku abtirsada deegaandaas iyo Somali oo dhan iney uga qeyb qaataan si wax garadnimo iyo aqoon ku dhisan tahay oo ka dheer caaadifad iyo kan ayaa i xiga iyo xumaan kale.

Waa fikir uu soo bandhigey qoraaga una qaas ah wixii talo ama tusaale ah  waxaad kusoo hagaajin kartaan mailkan:

By Mustaf Hassan Ahmed

Mustafahmed2011@gmail.com

London-UK

Ramadaan Kariim Mustaf Yare , Xayaakallah, Walaalkeen Mustafa Kheyr Allaha Siiyee isha ayuu ka riday, Mana aha Dhaleeceeyn iyo Shaqsi lafi gaaridiis, waa su'aal furan Jawaabteedana waxay u furan thay Muwaadin kasta oo Ku abtirsada GalMudug oo daneeynayana horukaca Galmudug.

Weliba waxaan dhiira gelineynaa Fikradaha Dhalinyara Da'da yar sida Mustaf oo kale Maashaa Allah.

Saami Bile
tifatiraha Guud ee MudugNet