
Sidee Loo Horumarin Karaa Deegaanada Galmudug State
Khamiis, 8da september, 2010.
Mahad oo dhan Ilaah
baa leh Nabad iyo
Naxariisina
Nebigeenna Korkiisa
ha ahaate Maanta
waxaad Lawada socotaan
xaalada uu ku sugan
yahay dalkeenii la
Soomaaliya ka dib
markii ay bur burtay
Dowladii dhexe ee soomaaliya.
Dalkaasi waxaa ku
habsaday masiibooyin
ah colaad iyo
dhibaatoyin kale
hadaba Burburkii ka
dib, Soomaaliya
waxaa ka ha naqaaday
maamulo kuwaas oo ku
salaysan Qaab qabiil
oo wada dega kuwaasi
Oo isu tagay hadaba
maamuladan ayaa
waxay Isku dayeen
in ay hirgaliyaan
wax qabasho kala
duwan Sidii ay
bulshada dib ugu soo
Celin lahaayeen amni
wada noolaansho ku
saleysan, waxbarasho,
abuurid Dhaqaale Ku
saleysan suuqa xorta
ah.
Hadaba sidii aan
hore u soo sheegay
waxaa maamuladan
lagu dhisay
qaabqabiil, Hadaba
waxaa jira in Qabiil
kasta uu rabo wixii
maamulkaas laga helo
in ay iyagu hor
Boodaan, iyo iyadoo
aan qabiiladu isku
Dan ahayn oo nin
kasta dantiisa rabo
in uu kan Kale ku
socod siiyo wallow
aysan hada galmudug
ka Muuqan
midaasi.waxaa iyana
jira Qurba joog
soomaaliyeed kuwaas
oo saamayn weyn ku leh
horumarka Bulshada
iyo Siyaasada
galmudug state taas
oo la is oran karo
siyaasada galmudug
waxaaba laga Hagaa
qurbaha .hadaba
hadii aan u soo
noqdo dulucda
qormadayda oo ahayd
sidee Ayaa horumar
la Higsan karo lagu
gaarsiin karaa
degaanada hoos
yimaada galmudug
State kaas oo ah
degaan aad u
Balaaran balse
dadkii u dhashay dal
iyo dibadba ay
ILaaween in ay ka
shaqeeyaan
horumarkiisa.
Maadama aan dalku
lahayn dowlad dhexe
waxaa khasab ku
noqotay jaaliyadaha
Galmudug iyagoo la
Kaashanaya dadkooda
dalka jooga in laga
shaqeeyo horumarka
Xaga waxbarashada
dhismaha Wadooyinka
dhismaha dekeda
hobyo iyo waliba
Garoon diyaaradeed
iyo wax waliba oo
bulsha horumar U
sameyn kara maanta
iyo Mustaqbalka. .hadaba
dadka ku dhaqan
degaanada galmudug
oo ah Deegaan laga
Hirgalin karo
mashaariic fara
badan waxaa
dadkoodii ku
habsaday dib u dhac
weyn Marka la bar
bar dhigo maamulada
kale ee soomaaliya,
taas ayaa dad badan
is Weydinayaan oo
Leeyihiin xagee
dhibkan ka yimid
maadama dadka rer
galmudug Aanay hayn
dhaqaale xumo aqoon
Xumo dhul xumo balse
waxa la oran karaa
waxaa Haya dadka
talo xumo,
taariikhda
banii’aadamku Waxay
ku tusaysa ilbaxnimo
beri hore Jiri jiray
balse dadkaasi ilaa
maanta waa jogaan
sidii masartii hore
Giriigii hore maxay
Ku kala duwanyihiin
masartan hada joogta
iyo tii hore .
Hadaba suaashaas
waxan u dhaafaya
dadka qormadan
akhrisanaya hadii
aan Qodobeeyo dhibka
haysta Shacabka iyo
xalka sidaan u arko
ayaan rabaa wixi
Fikirkayga ah in aan
ku soo ban dhigo
qormadan Anigoo kala
horaysinayaa
Sidaan u arko in
lagu gaari karo
horumar.
QURBA JOOGTA
GALMUDUG STATE
Waxaan ugu soo hor
mariyey qodobkan oo
aan u arkay meesha
shacabka rer
Galmudug looga soo
Dhacay waayo maanta
maamulada jira
waxaa laga xukuma
Siyaasad ahan
dhaqaale ahaan iyo
dhinac Kasta aad u
eegto qurbe hadaba
waxaa Yaab badan
maxaa loo maqli
waayey codkii
jaaliyadaha Galmudug
ee qurba joogta ah
Sida dadka kale oo
qurba joogta ah sida
puntland ama
somaliland ay Qurba
jogtoodu Meel kasta
caalamka ha ka
joogeene ay
halqadiyad leeyihin
oo ah isku duubni
halka Kuwa Galmudug
ay isku heystaan
waxyaaba aad daciif
u ah oo habooneyn in
lasoo Bandhigo Waxaa
la oran Karaa
jaliyadaha galmudug
waxay ku qanac
sanyihin in ay
Taageerdaii laga
rabay balse waxey
maqli la Yihiin
wacyi galin muuqata
Waxaan kula Talin
lahaa dadka activeka
ah in ay hawshaas si
dhakhso ah Wax uga
qabtaan Dhisaana
jaaliyadada dadkana
isu keenan dabadedna
aad eegtaan mira
dhalkeeda.
AQOONYAHANKA U
DHASHAY GALMUDUG
STATE
Qodobkan aan isna u
arkay qodob aad u
muhiim ah maadamo
qofka aqoonta lihi
uu Yahay qof meel
fog Wax ka eega
marka loo bar bar
dhigo qofka aan
waxba baran Taasna
cilmiga maadiga iyo
kan islaamiga Ah ba
way ku cadahay.
Hadaba
aqoonyahanadii u
dhashay mandiqada
galmudug iyagoo aad
u fara badan Ayey
meel kasta
Hoganayaan kuwa
waxay ka shaqeeyaan
xamar ama wadamada
Dariska ah waxayna
micin bideen in Ay
dhul kale camiraan
kuwa qurbaha ayey
iska Degeen oo waxaa
lagu xantaaba dadka
rer galmudug in
Aanay ahayn
muwaadiin jecel
Degenkooda.waayo
degaanku ma yaqaano
rer hebel iyo hebel
degaanku Wuxu
Yaqaana cidi
manafacaadsanaysa oo
wax u qabanaysa
hadaba waxan kula
dardaarm Lahaa
Aqonyahanka u
dhashay degaanka
galmudug meel kasta
uu joogo ha u
Guntado in uu ka
kaco hurdada Kuna
dadaalaan sidi ay u
horu marin lahayen
dhulkoda.
DHALIILAHA IYO XALKA
Hadaba anigoo ku soo
gabagabaynaya
qormadaydan oo aan u
arkay in aan ku
booriyo Dadka ka soo
Jeeda degaanka
galmudug sidii ay
wax uga qaban
lahaayeen degaankoda
ayna uga tashan
lahaayeen Aayahooda.
Hadaba waxaa jira
dhaliilo waa weyn oo
aan rabo in aan u
soo jeediyo bulshada
dal Iyo dibadba
waayo Bulsho ma horu
marto ilaa ay garato
waxay hiigsanayso
taasna Waa tan
haysata shacabkeena
oo kuwa Badan ay
waqtigii ku lumiyeen
meelo aanan Munaasib
aheyn taasna waxay
ku tusaysaa in aan
Bulshadeenu aanay
weli Bislaan oo Ay u
baahantahay in ay
bislaato sida dadka
kale, iyadoo
Bulshadeena ay ka
hoosayso Xaga
saxaafada wacyi
gelinta siyaasada
hogaanka horumarka.
Waxaad mooda in
beryahan danbe ay
soo baraarugayaan
bulshada reer
Galmudug qaar Yar oo
ka mid ah Hadii
laga eego xaga
waxbarashada
gacansiga saxaafada
iyo Dhinacyo
kaleba.hadii aan ka
hadlo Qodobka
qormada ugu
danbaysay ee waa
maxay Xalka shacabka
rer galmudug horeyna
waan uga Hadlay
aniga shakhsi ahaan
Qormooyin kale
Waxan ugu tala galay
in aan ku booriyo
shacabka sidii ay
horumar iyo baraare
u gaari i Lahaayen
taasna Waxan u arkaa
tan koowaad midnimo
guud oo beesha ka dhex
Dhalata iyo beelaha
ay dan wadaagta
Yihiin..
Tan labaad mar kale
waxan leeyahay
jaliyadaha dibada
ee GALMUDUG oo an
tayo Fican lahayn
waa in Ay meesha ka
kacaan oo dalkasta
inta jogtaa ay
yeelataa hogaan Iyo
ururo taasna waxay
sahlaysaa in Ay wax
taraan degaanka .
Waxan kaloo iyagan
Boorinaya
aqoonyahanada rer
GALMUDUG meel kasta
ha jogeene in ay
Degaankooda Soo
gaarsiiyaan wixii
horumar ah oo ay is
leeyihiin faaiido
ayey u leeyahay
shacabka Reer
Galmudug.
Wabilaahi towfiiq
Mustaf Hassan Ahmed
(Qoyste)
London Uk
Mustafhassan@hotmail.co.uk