Sidee Loo Horumarin Karaa Deegaanada Galmudug State

Khamiis, 8da september, 2010.

Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaate Maanta waxaad Lawada  socotaan xaalada  uu ku sugan yahay dalkeenii  la  Soomaaliya ka dib markii ay bur burtay Dowladii dhexe ee  soomaaliya. 
 

Dalkaasi waxaa ku habsaday masiibooyin ah colaad iyo dhibaatoyin kale hadaba Burburkii ka dib, Soomaaliya waxaa ka ha naqaaday maamulo kuwaas oo ku salaysan Qaab qabiil oo wada dega kuwaasi Oo isu tagay  hadaba maamuladan ayaa  waxay Isku dayeen in ay hirgaliyaan wax qabasho kala duwan Sidii ay bulshada dib ugu soo Celin lahaayeen amni wada noolaansho ku saleysan, waxbarasho, abuurid Dhaqaale Ku saleysan suuqa xorta ah.


Hadaba sidii aan hore u soo sheegay waxaa maamuladan lagu dhisay qaabqabiil, Hadaba waxaa jira in Qabiil kasta uu rabo wixii maamulkaas laga helo in ay iyagu hor Boodaan, iyo iyadoo aan qabiiladu isku Dan ahayn oo nin kasta dantiisa rabo in uu kan Kale ku socod siiyo wallow aysan hada galmudug ka Muuqan midaasi.waxaa iyana jira Qurba joog soomaaliyeed kuwaas oo saamayn weyn ku  leh horumarka Bulshada  iyo Siyaasada galmudug state taas oo la is oran karo siyaasada galmudug waxaaba  laga Hagaa  qurbaha .hadaba hadii aan u soo noqdo dulucda qormadayda oo ahayd sidee Ayaa horumar la Higsan karo  lagu gaarsiin karaa degaanada hoos yimaada galmudug State kaas oo  ah degaan aad u Balaaran  balse dadkii u dhashay dal iyo dibadba ay ILaaween in ay ka shaqeeyaan horumarkiisa.
 

Maadama aan dalku lahayn dowlad dhexe waxaa khasab ku noqotay jaaliyadaha Galmudug  iyagoo la Kaashanaya dadkooda  dalka jooga in laga shaqeeyo horumarka Xaga waxbarashada dhismaha Wadooyinka   dhismaha dekeda hobyo iyo waliba Garoon diyaaradeed  iyo wax waliba oo bulsha horumar U sameyn kara maanta iyo Mustaqbalka. .hadaba dadka ku dhaqan degaanada galmudug  oo ah Deegaan laga Hirgalin karo mashaariic fara badan  waxaa dadkoodii ku habsaday  dib u dhac weyn Marka la bar bar dhigo maamulada  kale ee soomaaliya, taas ayaa dad badan is Weydinayaan oo Leeyihiin xagee dhibkan ka yimid maadama dadka rer galmudug  Aanay hayn dhaqaale xumo aqoon Xumo dhul  xumo  balse waxa la oran karaa waxaa Haya dadka talo xumo, taariikhda banii’aadamku Waxay ku tusaysa ilbaxnimo beri hore Jiri jiray balse dadkaasi ilaa maanta waa jogaan sidii masartii hore Giriigii hore maxay Ku kala duwanyihiin masartan hada joogta iyo tii hore .
 

Hadaba suaashaas waxan u dhaafaya dadka qormadan akhrisanaya hadii aan Qodobeeyo dhibka haysta Shacabka iyo xalka sidaan u arko ayaan rabaa wixi Fikirkayga ah in aan  ku soo ban dhigo qormadan Anigoo kala horaysinayaa

Sidaan u arko in lagu gaari karo horumar.

 

QURBA JOOGTA GALMUDUG STATE
 

Waxaan ugu soo hor mariyey qodobkan oo aan u arkay meesha shacabka rer Galmudug  looga soo Dhacay waayo maanta maamulada jira  waxaa laga xukuma Siyaasad ahan dhaqaale ahaan iyo dhinac Kasta aad u eegto qurbe hadaba waxaa Yaab badan maxaa loo maqli waayey codkii jaaliyadaha Galmudug  ee qurba joogta ah Sida  dadka kale oo qurba joogta ah sida puntland ama somaliland ay Qurba jogtoodu Meel kasta caalamka ha ka joogeene ay halqadiyad leeyihin oo ah isku duubni halka Kuwa Galmudug ay isku heystaan waxyaaba aad daciif u ah oo habooneyn in lasoo Bandhigo Waxaa la oran Karaa jaliyadaha galmudug  waxay ku qanac sanyihin in ay Taageerdaii laga rabay balse waxey maqli la Yihiin wacyi galin muuqata  Waxaan kula  Talin lahaa dadka activeka ah in ay hawshaas si dhakhso ah Wax uga qabtaan Dhisaana jaaliyadada dadkana isu keenan dabadedna aad eegtaan mira dhalkeeda.

 

AQOONYAHANKA U DHASHAY GALMUDUG STATE
 

Qodobkan aan isna u arkay qodob aad u muhiim  ah maadamo qofka aqoonta lihi uu Yahay  qof meel fog Wax ka eega marka loo bar bar dhigo qofka aan waxba baran Taasna cilmiga maadiga iyo kan islaamiga  Ah ba way ku cadahay.
 

Hadaba aqoonyahanadii u dhashay mandiqada galmudug  iyagoo aad u fara badan Ayey meel kasta Hoganayaan kuwa waxay ka shaqeeyaan xamar  ama wadamada Dariska ah   waxayna micin bideen in Ay dhul kale camiraan kuwa qurbaha  ayey iska Degeen oo waxaa lagu xantaaba dadka rer galmudug  in Aanay ahayn muwaadiin jecel Degenkooda.waayo degaanku ma yaqaano rer hebel iyo hebel degaanku Wuxu Yaqaana cidi manafacaadsanaysa oo wax u qabanaysa hadaba waxan kula dardaarm Lahaa Aqonyahanka u dhashay degaanka galmudug  meel kasta uu joogo ha u Guntado in uu ka kaco hurdada Kuna dadaalaan sidi ay u horu marin lahayen dhulkoda.

 


DHALIILAHA IYO XALKA
 

Hadaba anigoo ku soo gabagabaynaya qormadaydan oo aan u arkay in aan ku booriyo Dadka ka soo Jeeda degaanka galmudug  sidii ay wax uga qaban lahaayeen degaankoda ayna uga tashan lahaayeen Aayahooda.
 

Hadaba waxaa jira dhaliilo waa weyn oo aan rabo in aan u soo jeediyo bulshada dal Iyo dibadba waayo Bulsho ma horu marto ilaa ay garato  waxay hiigsanayso taasna Waa tan haysata shacabkeena oo kuwa Badan ay waqtigii ku lumiyeen  meelo aanan Munaasib aheyn  taasna waxay ku tusaysaa in aan Bulshadeenu aanay weli Bislaan oo Ay u baahantahay in ay bislaato sida dadka kale, iyadoo Bulshadeena ay ka hoosayso Xaga saxaafada wacyi gelinta siyaasada hogaanka  horumarka.
 

Waxaad mooda in beryahan danbe ay soo baraarugayaan bulshada reer Galmudug qaar Yar oo ka mid ah  Hadii laga eego xaga waxbarashada gacansiga saxaafada iyo Dhinacyo kaleba.hadii aan ka hadlo Qodobka qormada ugu danbaysay ee waa maxay Xalka shacabka rer galmudug horeyna waan uga Hadlay  aniga shakhsi ahaan Qormooyin kale
 

Waxan ugu tala galay in aan ku booriyo shacabka sidii ay horumar iyo baraare  u gaari i Lahaayen taasna Waxan u arkaa tan koowaad midnimo  guud oo beesha ka  dhex Dhalata iyo beelaha ay dan wadaagta Yihiin..
 

Tan labaad mar kale waxan leeyahay jaliyadaha dibada  ee GALMUDUG  oo an tayo Fican lahayn waa in Ay meesha ka kacaan oo dalkasta inta jogtaa ay yeelataa hogaan Iyo ururo taasna waxay sahlaysaa in Ay wax taraan degaanka . Waxan kaloo iyagan Boorinaya aqoonyahanada rer GALMUDUG meel kasta ha jogeene in ay Degaankooda Soo gaarsiiyaan wixii horumar ah oo  ay is leeyihiin faaiido ayey  u leeyahay shacabka Reer Galmudug.

 

Wabilaahi towfiiq

 

Mustaf Hassan Ahmed (Qoyste)

London Uk

Mustafhassan@hotmail.co.uk