Sodonkii bishii January 2012, baa waxaa shir jaraa'id ku qabtay Koofurta Gaalkacyo, Sheekh Axmed Sheekh Yusuf ( Sheekh Ilkadahab) oo ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Galmudug lixdii sanoo lasoo dhaafay asagoo shirkaas jaraa'id ku iclaamiyay in uu iska casilay xilkii iyo jagadii Maxkamadda Sare ee Galmudug. Waxaa sidoo kale asna halkaas isku casilay ku-xigeenkii Maxkamadda Sare Macalim Adan Jimcaale. Sheekh Axmed wuxuu shirkaas jaraa'id ka yiri '' Maxkamadi waxay ku dhisan tahay in awaamiirteeda iyo go'aamada kasoo baxa loo hoggaansamo oo sida uu sharcigu qabo loo fuliyo''. '' Haddaba kol haddii aysan jirin cid tixgalineysa, dhowraysa islamarkaasna taabagalineysa awaamiirta iyo go'aamada dastuurka iyo sharciga ku salaysan oo kasoo baxa Maxkamadda Sare, micno masamayneyso in aanu meesha iska fadhino, sidaas awgeedna waan iscasilay''.
 
Sheekh Axmed Sheekh Yusuf wuxuu intaas sii raaciyay '' xukuumad iyo shacabku in aysan diyaar u ahayn in ay ku dhaqmaan Shareecada Islamka iyo Dastuur dowlad-deedkii ay degsadeen''.
 
War Tabiye: Hassan Shirwa