
Sanadkii Xulka
Kubadda Cagta ee
Gobolka Mudug ay
amakaag galiyeen
Soomaalidii xiiseyn
jiray Cayaaraha
Gobollada
Taariikh dhaxal gal
ah oo aan horay loo
qorin
Cabdirisaaq Cadde-
Ex Garsoore heerka
Koowaad Kubadda
Koleyga (1983
-1988).
Sanadku wuxuu ahaa
1984, goobtuna waxay
aheyd Muqdisho waxaa
gobollada dhan ka
dhacayay u diyaar
garowga Cayaaraha
Gobollada iyadoo
Qaabkii loo xulayay
Cayaartoydii Gobolka
Banaadir ay noqotay
mid muran ka dhashay,
sababtoo ah
cayaartooy badan oo
u qalmay iney
gobolka matalaan
ayaa laga tagay ,
kuwa aan caan ka
aheyn Garoomada
Xaafadaha ayaa si
eex iyo garab ah
loogu daray.
Agagaarka daarta
dabka oo ay u aheyd
bar kulan
cayaartooyda heerka
Koowaad iyo
Garsoorayaasha iyo
dhalinyarada magaca
ku laheyd magaalada
oo ay ka mid
ahaayeen fanaaniinta
Qaranka oo ku kala
noolaa xaafadaha
Hodan, Howl-wadaag,
waaberi iyo Xamar
Jajab ayaa waxaa aad
looga hadlayay sida
xaq darrada ah oo
loo xulay taasoo
dood dheer ka dib
keentay in aan
sameyno xul
dhalinyaro ah oo
matali kara Gobolka
Banaadir, kuwaas oo
ahaa Cayaartoydii
ugu cad cadeyd
Garoomada Bacaadka
ee Xaafadaha aan kor
ku soo xusay:
Nasiib darrase
Cayaartooyda aan
xulnay oo ahaa kuwa
u qalmay iney
qaranka matalaan
cidi nagama siisan
qiimigooda, raggii
wax ka xulay waxaa
ka mid ahaa
Naxariistii janno
Allaha siiyee
Fanaankii Caanka
ahaa Axmed Shariif
Killer naxariistii
janno Allaaha siiyee
oo ahaa Taageere
weyn ee Cayaaraha
Xaafadaha mar
kastana dhiiri galin
jiray dhalinyarada
heybadda u leh
cayaarta iyo
Abtidoon Baahalow oo
isagu noloshiisa aan
kubbad lugtiisa ku
tuurin laakiin ahaa
af ka laacib iyo
dhiiri galiye jecel
inuu taariikh
sameeyo, waqtigiisa
inta badanna ku
mashquulsanaa
shiididda Saliid
macsarada makiinadii
Abtigiis, khaasatan
xiliyada sisinta soo
go'do, waxaase mar
kasta Abtidoon looga
dambeeyay
shaandheynta
Goolasha quruxda
badan ee Garoomada
ka dhaso, wuxuuna
ahaa Taageere jecel
Mukhtaar Cuti oo
Batroolka ahaa iyo
Cabdiraxmaan
Dhamuuke oo Sancada
ahaa oo uusan
cayaarahooda marna
ka baaqan jirin.
Abtidoon Baahalow oo
xiligaa loo yiqiin
malaay gaduudow ayaa
kaalin weyn kaga
jiray guulaha
ciyaalka Xaafadda oo
maalmaha ay sharadka
dheelayaan oo ay
kooxo adag la
dheelayaan taasoo ay
ka baryi jireen inuu
tuutihiisii
Isboortiga soo xirto
oo uu garab siiyo
ciyaalka Xaafadda.
Waxaa ugu qosol
badneyd Cayaar xiisa
leh oo dhex mareysay
Ciyaal Xamar jajab
iyo Ciyaal Siigaale
oo u badnaa yar yar
bacdamaa
Dhalinyaradoodii ay
yaraan heerka
koowaad galeen sida
Nuur Amiin (Madbacadda),
Marshaale (Wagad),
Dhamuuke
Garweyne(Sancada)
Feysal
Laangare(Wagad),
Leyli Cabduqaadiri
Xaashi Dholodholo (Allaah
u naxariistee)
(Muqdisho),
Qaasimeey
Garweyne(Gaadidka)
Cabdi Xaaji
Calasow(Allaha u
naxariistee) (Horseed)
iyo Qaar badan oo
heerka labaad
safanayay, Ciyaal
xamar jajabka oo ka
xoog badnaa kana
da`weynaa Ciyaal
siigaale ayay ka
fursan weysay in
Abtidoon Baahalow
Tuutihiisiii
Buluugga iyo
Cadaanka soo xirto.
Cayaarta ayaa
daqiiqadii 5aad gool
qurux badan laga
dhaliyay ciyaalkii
xaafadda Siigaale,
markaasoo aan hal
mar qeylo dhaan la
kacnay Malaay
gaduudow , taasoo
Abtidoon Baahalow
Bilaabay is kululeys
isagoo ahaa
shakhsiga ugu lafta
weyn inta garoonkaas
joogtay orod aan
kala go' laheyn ku
sameeyay garoonka
taasoo kooxdii xamar
jajajb attention
koodoo dhan noqotay
Geedkaan weyn oo
cayaarta la soo
galin rabo , waxaana
taasi ay sababtay in
Gool qurux badan ay
dhaliyaan kooxdii
Siigaaleku bar
bareeyaan, Abtidoon
oo aan kubadda
dhinac loo tuuro
aqoon ayaa sii watay
is kululeyskiisii
waxaana 4 gool oo
isku xigta dhaliyay
kooxdii Siigaale
inta aysan qeybta
koowaad dhamaanin,
taasoo ka
careysiisay kooxdii
Xamar jajab oo tiri
lafa weyne ama
garoonka ha soo galo
ama showga ha naga
daayo.
Garsoorihii cayaarta
oo ahaa garsoore
Qaran ayaa u sheegay
kooxda Xamar jajab
in Lafa weyne xaq u
leeyahay inuu is
kululeeyo
saqaashanka
daqiiqadood ay
cayaartu socoto,
xitaa inta nasashada
lagu jiray Abtidoon
oo macsaradii
korkiisa ka soo
duxeyso ayaa
iskululeys kiisii
sii watay,
daawadayaashii oo
dhanna u daawanayeen
sidii nin ajnabi ah.
Cayaartaas ayaa
kooxdii Siigaale
guusha ku raacday
5-3, guushaas na ay
uga mahad celiyeen
Abtidoon Baahalow oo
ay taageeryaashii
xamar jajab ay ul
iyo tuuryo ku
geeyeen gurigiisii
ayagoo ku
dhawaaqayay Sixiroow
iyo erayo aad u
liita waxaana laga
mamnuucay garoonka
iskoola Boolisiyo.
Hadaan dib ugu soo
noqdo xulkii Gobolka
aan sameynay ayaa
isa soo xiray oo aan
ka gadi weynay
guddigii xulayay
cayaartooyda Gobolka
oo mar hore tababar
u bilaabay
cayaartooydii ay
xusheen, waxaana
laga fursan waayay
in aniga la ii diro
Xasan Abshir oo
markaas ahaa Duqii
magaalada oo ay
aabahey wada shaqeyn
jireen aadna ii
xushmeyn jiray
markaan dano ka
yeesho xafiiskiisa
isagoo weliba
ogsoonaa inaan ahay
taageero qarsoon oo
kooxda Muqdisho ah.
Subaxii dambe ayaan
Xafiiska ugu tagay
anoo kaashaday
Tababarihii Gabdhaha
Dowladda Hoose
Maxamed Faarax Qambi
oo aan College ka ka
soo wada qalin
jabinay, sidiina aan
ku tagay xafiiskii
Duqa magaalada ,
waxaan u sheegay in
Cayaartooyda Gobolka
loo xulay aaney
aheyn kuwo tayo leh
oo aan hayo liis
matali kara Gobolka
qaadina kara koobka
iyagoo aan laga
badin cayaar qura
ama Gool laga dhalin,
intuu qoslay ayuu
igu yiri kuwa aan
soo arkay kuwa la
mid ah adeer xamar
ba ma joogaanee
kuwaan orod oo Mudug
la aad ( Waa hadal
taariikhi ah).
Habeenimadii iyadoo
war la iga sugayay
ayaan dabka imid
xilli dambe anoo
cayaar is reeb reeb
ah ka soo qabtay
Garoonka Lugino oo
aad u daalan,
waxaana u sheegay
wixii aan kala
kulmay duqa
magaalada oo igu
yiri orod oo
Gaalkacyo la aad,
hal mar ayaa qosol
meeshii dhameyd is
qabsatay ragii
meesha joogay nus
waxay ahaayeen rag
ka soo jeeda Mudug,
waxaase meesha mar
kasta isku dhici
jirtay Caayda
Gaalkacyo oo ay ka
mid aheyd ``hadaad
roob tahay Saaxiibow
Gaalkacyo ma ka dí
laheyd`iyo hadallo
la mid ah.
Waxaa markiiba talo
soo bandhigay Killer
(AUN) iyo rag kale
oo aanan hadda
xasuusan oo yiri:
war ragaan Gaalkacyo
maan geyno ha u soo
saftaanee, halkii
ayaa arinka waxaa ka
sii amba qaaday
Abtidoon Baahalow,
Killer iyo Rag kale
oo aanan hadda
xasuusan sidiina u
kaxeeyay cayaartooy
aan weligood Abkood
Jowhar xagaa u
dhaafin oo 16 ah,
marka laga Reebo
Saalimow oo reer
Baled weyne ahaa .
Is reebreebkii hore
ayay kooxdii ku soo
baxday kaalinta
Koowaad, halka
Hiiraan na ku soo
baxday kaalinta
Labaad iyadoo
Abtidoon Baahalow
Cariirsaday jagada
Tababare ku xigeenka,
waxaase mucjiso ahaa
inaan Gool qura laga
dhalin kooxdii Mudug
.
Halka Dhib ah oo ay
la kulmeen
Cayaartoydii ayaa
waxay aheyd dadkii
Gobolku halkii ay
soo dhaweyn
lahaayeen ayay
tuuryo iyo foori la
daba galeen waayo
waa nooc dad ah oo
aysan hore u arki
jirin oo u badnaa
Reer Xamar, Jareer,
Yemen iyo qaar ina
Baahalow oo kale ah
oo meel loo raaco
laheyn Waxaa ka mid
cayaartooydaas
Cayaartooygii aan ug
jeclaa Cayaartooyda
Difaaca ka cayaari
jiray Soomaaliya
Ajeeloow oo markii
dambe Muqdisho u
saftay isla sanadkii
xigayna Qaranka ku
biiray..
Markii Xamar loo soo
gudbay ayaa kooxdii
Mudug waxaa lagu
qoray is reeb reeb
aad u adag oo ay ku
jireen Banaadir iyo
Jubbada Hoose iyo
Sanaag.
Cayaartii ugu
horeysay oo ay la
yeesheen Jubbada
Hose ayay ku direen
2 gool iyo eber,
taasoo dhakafaar ku
ridday
daawadayaashii iyo
taageerayaashii
Cayaaraha iyadoo
kooxda Mudug oo
aheyd Jabhad wadday
dhambaal culus ay
muujiyen cayaar iyo
asluub wanaag aan
horay cayaaraha
Gobollada looga
baran, waxaana
arkeysay in
Cayaartootda difaaca
ah ay marna weerar
galayaan marna
difaac glayaan oo
Cayaartooy kasta
awoodo inuu sadddex
position la cayaaro.
Cayaartii xigtay oo
aheyd middii ay
sugayeen ayaa foodda
ay isa saareen
kooxdii Gobolka
Banaadir oo aad loo
buun buuniyay dhanka
idaacadaha iyo
Raadiyaha , waxaase
ayaan darro noqotay
in 10 kii daqiiqo ee
ug horeysay ay
kubadda lugtooda ku
taaban waayeen
kooxdii Banaadir,
waxaana looga
adkaaday 7 gool iyo
eber.
Kooxdii Mudug ayaa
mar qura magacooda
cirka isku shareeray
iyadoo kaliftay in
wasaaradii
Isboortiska uu
wasiir u ahaa Mire
Awaare (Allaha u
naxariistee) oo
markiisii hore
Xaafadda Baar Raaxo
daganaan jiray
aqoonsadayna dhowr
cayaartooy oo daris
ay ahaayeen ayaa
kulan deg deg ah oo
arinkaas wax looga
qabanaayo qabtay,
duhurnimadii
Maalinkii xigtayna
Barnaamijka
Faaqidaada Cayaaraha
oo uu daadihinayay
wariye Kolombo ka
sii daayay Goàankii
wasaaradda
Isboortiga oo ahaa
in Kooxda Gobolka
Mudug ee kubadda
Cagta laga saaray
tartanka Cayaaraha
Gobollada bacdamaa
ay jabiyeen Xerka
ciyaaraha Gobollada
oo ah in
cayaartooydu deggan
yihiin gobolk ay u
safanayaan ugu
yaraan saddex bilood
ka hor cayaaraha
Gobollada.
Waxaa Dhacday in 11
kii cayaartooy ee
Gobolka Mudug u soo
saftay ay dhamidooda
ka mid noqdeen
kooxaha heerka
koowaad, lix ka mid
ahna sanadkii ugu
horeeyay ka mid
noqdeen xulka
Qaranka, Tababarihii
kooxda oo aanan
magaciisa xusuusan
waxaa qaatay kooxaha
ugu caansanaa serie
A da, Abtidoon
Baahalow oo tababare
xigeen ahaa waxaa
laga mamnuucay
garoomada Koonis
Stadium iyo
Mogadishu stadium,
waxaana loo
nisbeynayaa inkaarta
Abtigiis oo uu ka
daayacay sisin
shiididii, sidiina
uga goày Isboortiska
waddanka.
Haddaba Waxaa hubaal
ah hadii dadaal yar
la sameeyo in
kooxahaan Gaalkacyo
laga soo saari karo
halyeeyo matala
Qaranka weliba hadii
lagu daro ilmaha
Barakacayaasha oo ay
ku jiraan kuwo
aabayaashood u soo
safan jireen Kooxaha
heerka Koowaad in la
heli karo kooxo aan
hore Somalia u soo
marin oo u dhigma
kooxdii Mucjisada
Cayaaraha Gobollada
Dalka 1984tii oo
noqday hadal heynta
sanadkaasi nasiib
darro waxaan ka
xasuustaa Ajeelow
iyo Saalimow oo
labaduba markii
dambe kooxda
Muqdisho difaaceeda
ka mid ahaa.
Waxaa sidoo kale
mudnaan gaar ah in
la siiyo ah in
wiilasha Caanaha
Geela lagu soo
koriyay ay ka qeyb
gali karaan
tartamada Oroddada
ee Caalamiga ah
guulo weynna ka soo
hoyn karaan , oo
weliba ay Ethiopian
ka iyo Kikuuyada ka
saari karaan suuqa
hadii laga ilaaliyo
Jaadka iyo
waxyaabaha maan
dooriyaalka.
Waxaan qormadeeydaan
ku soo
gabagabeynayaa hadal
qosol leh oo
magaalada Toronto
goob bahda
Isboortiga isugu
yimaadaan ku dhex
maray Cayaartooygii
weynaa ee Qaranka
Ahmed Abdikriim
Walaayo (Cantar
Jeenyo) oo ah nin
saaxiibkeey ah aana
ka mid ahaa
taageerayaashiisii
xilligii uu u safan
jiray kooxda LLPP
ama Jeenyo, waxayna
u dhacday sidan:
Cantar Jeenyo ayaa
wuxuu maqlay nin
reer Mudug ah oo ka
sheekeynaaya
Cayaarta kubadda
Cagta iyo sidii
berigii uu yaraa ugu
fiicnaa iyo sida uu
sigada u kicin jiray
markuu kubadda lugta
la helo, Cantar
Jeenyo oo aad ula
dhacay xirfadda
ninkan reer Mudugga
ah ayaa weydiiyay
dhinacee ka cayaari
jirtay horay mise
gadaal oo uu ula
jeeday ma adifaac
ayaa ka cayaari
jirtay mise weerar !
laakiin ninkii reer
mudugga ahaa oon
fahmin waxa uu ula
jeedo ayaa ugu
jawaabay war annagu
horay iyo gadaal
midna kama dheelno
ee Gudub baan u
dheelnaa !
Caabdirisaaq Cadde
MudugNet Editor
F.G. Waxaa xusid
Mudan in Avvocato
Cabdiraxmaan Xaaji
Ereg oo ahaa
gudoomiyihii
Maxkamadda Gobolka
Jubbada Hoose inuu
ahaa gudoomiyihii
Kooxda Jubbada Hoose,
si fiicanna u
xasuusta dhacdadaan
oo wax inoogu dari
doono.
Avvocato Ereg oo
adeerkeey ah ayaa
intii ka horeysay
intaanan noqon
garsooraha i siin
jiray warqad aan ku
daawado cayaaraha
Gobollada , maqaal
gaar ah ayaan ka
sameyn doonaa
waxyaabihii dhacay
iyo ciddii guusha
qaadday sanadkaas
Cayaaraha Gobollada.