Jaamacadda Mudug University oo ka Qeyb gashay Shirkii Caalamiga ahaa ee Jaamacadaha  Wadamada Afrika iyo Carabta



MudugNet, Arbaco, 13ka Luulyo, 2011

Jaamacada Mudug University ayaa noqotay jaamacada kaliya ee uga qayb gashay Shirkaas, Wadanka Somalia, iyada oo Wafdiga Jaamacadda Mudug University uga qeyb galaayo shirkaas uu hogaaminayo Dr. Xasan Cali Warsame oo ka mid ah Professorada Wax ka dhiga Jaamacadda Mudug University.

In kastoo ay weli socoto kulamadii gooni goonida ahaa ee u dhexeeyey Madaxda Jaamacada Mudug University iyo Wufuudii jaamacadaha Africa, Carabaha iyo organisationadii ka soo qayb galay shirkaas ayaa Dr Hassan Ali Warsame oo ka socday Jaamacada Mudug university uu halkaas khudbad kasoo jeediyo ku saabsan Heerka Jaamacada Mudug University marayso iyo sida uu u arko in loo horumarin karo waxbarashada Jaamacadaha wadanka guud ahaan.  

Wufuudii meeshaas isugu timid ayaa aad ula dhacay khudbadii qiimaha laheyd ee uu halkaas kasoo jeediyey Dr Hassan Ali Warsame oo ka socday Jaamacada Mudug University.

Waxaa la rajeynayaa in Dr Hassan uu kusoo laabto London sitimaankan. Waqtigaas oo aan idiin soo gudbindoono Listiyada Jaamacada ogolaaday in ay xiriir caalami ah layeeshan iy organizationada kaqayqaadan doona hor u marinta Jaamacada Mudug University

Kala socda sidoo kale akhbariihii shirkaas Website ka Jaamacada www.muduguniversity.com hadii alle idmo

Coordinator

Mudug University