Guud ahaan gobolada dhexe nabad ahaan ma degana, waxaana kajira hardan salka ku haya caqiidooyin diimeed iyo kuwo qabiileed. Waa ayaan darro weyn in qarnigan 21naad oo dunidu tadawir ama horumar xoogleh laga gaaray xagga cilmiga iyo farsamooyinka casrigaa in Soomaalidu isku dilayaan oo u kala soocmeen sida Carabtii joogtay xiligii jaahiliga oo ka horaysay intii aan Allaah-SWT Nabi ahaan usoo diray Maxamed Bin Cabdullahi-SAW.
Nasiib darada ugu weyni waxay ku habsatay beelaha walaalahaa ee Sacad iyo Saleemaan oo laga soo bilaabo ilaayo 2004 ay halakaysay colaado iyo dagaalo soo laalaabtay. Inkastoo dhowr jeer ay labada beelood yeesheen kulan nabadeed, haddana wali laguma guulaysan inla dhaqan galiyo nabad iyo xabad joojin waarta. Fashilka xabad joojin iyo nabad waarta ee walaalaha Sacad iyo Saleemaan waxaa iska leh eedda Culumaa'udiinka, siyaasiyiinta, nabadoonada iyo waxgaradka labada beelood waayo haddii siwada jira oo iqlaasnimo ah loo wajaho xal u hilidda xasilooni dara xagga nabadda ee labada beelood, shaki kuma jiro inla dhaqan galin lahaa nabad waarta.
Talo soo jeedin:-
1. Waa inla qaban qaabiyaa shirweyne nabadeed
2. Waa in lagu dhaqmaa oo lagu kala baxaa Shareecada
Islaamka si nabad waarta loo taabagaliyo
3. Waa in lala yimaadaa caqli iyo dadnimo wada noolaasho,
isqadarin, kala garqaadasho iwm
4. Waa in dadka reer miyiga ah la kobciyo garaadkooda
islamarkaasna loo qodo ceelal biyood kala badbaadiya
5. Waa in deg deg loo joojiyo dagaalka iyo colaadda ka