Akhriistayaasha Qiimaha leh ee Shabakadda Internetka nagala Socda waxaan u sheegeynaa Inaan Maqaalkaan dib u soo Publish Gareynay Kadib markaan aragnay Rag Reer GalMudug ah oo sheeganaya iney leeyihiin Fikradda ah in Caasimadda GalMudug laga dhigo Magaalada Taariikhiga ah ee Hobyo, Runtii waa wax laga xumaado in Qof Fikirkiisa Dad kale Magac iyo Mansab ku raadsadaan, Annaguse ka yeeli meyno oo Credit ka waxaan suuneynaa Ruuxa iska leh Xaqiiqdana kama Gambano... Mana Jeclin inaan Hebel iyo Hebel Dhahno Laakin Cashar ku qaata  intaan

MudugNet, Jimce, 22ka Luulyo, 2011

Sideeba waxaa Caasimad ku haboon meeshii leh Bad, biyo, baad, xoolo nooc kasta leh isla markaasna ku taal goob muhiim ah oo strategic ah. Haddaba magaalada qadiimkaa ee Hobyo waxay kulansatay astaamaha iyo sifooyinka kor ku xusan waana in laga dhigaa oo loo bedelaa Caasimadda dowladda Galmudug sida ugu dhaqsiyaha badan.

 
Magaalada Gaalkacyo waa in ay noqotaa Gobol kamid ah Gobolada ugu muhiimsan Dowladda Galmudug. Magaalda Gaalkacyo waa xudunta ganacsiga ee bartamaha Somalia, waxaana kunool shacab farabadan oo reer Galmudug ah. Laakiin mushkilada Magaalada Gaalkacyo waa iyadoo kutaal meel u dhow xadka Xabashida islamarkaasna ah goob colaadeed oo aan la isku haleyn karin.
 
Ugu dambeyntii, waxaa madaxda Galmudug, waxgaradka, ganacsatada iyo ururada bulshada la gudboon in Caasimadda Dowladda Galmudug loo bedelo si dhaqso ah magaalada Hobyo iyadoo laga shidaal qaadanayo caqliga saliimkaa, danaha strategic-ka ah iyo maslaxadda ummadda reer Galmudug. Qorshaha la damacsan yahay in Xaruumo dowladeed loogu dhiso dowladda Galmudug waa in loo wareejiyaa magaalada Hobyo waayo sidaas bey maslaxadda iyo danta guud ee ummadda reer Galmudug kujirtaa. Haddii Caasimadda dowladda Galmudug laga dhigo magaalada muhiimkaa ee Hobyo, waxaa la arki doonaa Insha'Allaah isbedel dhaqan dhaqaale oo weyn, horumar lixaad leh iyo barwaaqo lagu naaloodo.
 
Wabillaahi Towfiiq.
 
Waxaa Qoray: Hassan Shirwa