
July, 20th,
2011.
Bismillaahir
Raxmaanir Rahiim
Waxaa mardhow
haddii alla idmo
dhalan doonta
bishii
barakaysaneyd ee
Ramadan al-mubaarak,
waxaana nasiib
badan qofka
muslinka ah oo
ay bishani usoo
gasho asaga oo
nool oo
caafimaad qaba
waayo oo bil uu
Allaah-SWT ku
kaamilay raxmad,
magfira iyo
dadka oo alle ka
xoreeyo naarta
haddii ay camal
saalaxa la
yimaadaan. Haddaba
qofka muslinka
waxaa alle-SWT
ku waajibiyay in
uu soomo bisha
Ramadaan haddii
uu caafimaad
qabo.
Qofka muslinkaa
waxaa waajib ama
farad alle ku ah
in uu ka Soomo:-
1. Cuntada
2. Xanta
3. Sinada
indhaha iyo
qalbiga
4. Dad isku
dirka
5. Beenta iyo
lahwiga
6. Galmada
7. Iyo waxla
wixii xumaan oo
dhan ah
Waxaa kaloo
qofka muslinka
ah looga baahan
yahay in uu ku
dadaalo
Salaadaha
faradkaa,
taraawiixda iyo
sadaqada. Nebi
Muhammad-Saw,
siweyn buu ugu
diyaargaroobi
jiray bisha
Ramadaan ee
barakaysan xag
cibaado iyo
bixinta sadaqada
si loo afuriyo
aqoonta iyo
dadka fuqaradaa
oo tabaalaysan.
Noloshan dunidu
waatu gaaban oo
aan waaritaan
lahayn balse ay
tahay in
aakhirada aan
dhammaadka
lahayn loogu
saad qaato oo la
hormarsado camal
wanaagsan iyo
sadaqo badan si
qofku u helo
naxariista
Allaah-SWT.
Bisha Ramadan
al-mubaabarak
marka ay
bilaabato,
Allaah-SWT wuxuu
xirxiraa
Shaytaanada(
Satans) kuwa ugu
dhibka badan oo
ugu madaxa adag
si adoomada alle
oga badbaadaan
shartooda
fidnada badan.
Sidoo kale
Allaah-SWT wuxuu
albaadada u
laabaa Naarta,
wuxuuna furaa
albaabada
Jannada. Haddaba
dadow ka cabsada
Allihii idin
uumay oo nafta
idin galiyay
haddana idin
dili doona
markale si aad u
kasbataan
Jannada
Allaah-SWT
markaad
dhimataan oo la
idin geeyo
Qabuuraha.
Ugu dambeyntii,
waxaan usoo
jeedinayaa
walaalaha
Muslimiintaa ee
Soomaaliyeed in
ay ka
faa'ideystaan oo
camal wanaagsan
la yimaadaan
bisha Ramadaan
al-Mubaarak iyo
in ay u gurmadaan
oo dhaqaale ku
taageeraan
walaalaha
Soomaaliyeed oo
ku cayrtooban,
barakacay
dagaalada dalka
ka socda iyo
agoomaha faraha
badan oo
meelkasta kajira
si bisha Ramadan
ee barakaysan ay
u helaan afur
islamarkaasna u
dareemaan in ay
leeyihiin
walaalo
Muslimiin ah oo
ka damqanaya
dhibaatooyinka
haya oo la soo
darsay. Waxaan
si gaara oga
codsanayaa
walaalaha
Muslimiinta ee
reer Galmudug in
ay gargaar deg
deg ah u
fidiyaan
xaruumaha
Aqoonta
Gaalkacyo, Xamar
iwm iyo waliba
dadka ku
cayrtoobay
abaaraha iyo
dagaalada socda.
Walaal ogow in
Sadaqadu aysan
nusqaamin
xoolaha alle ku
siiyay balse ay
sii kordhiso.
Rabbi Ha Inoo
Dambi Dhaafo
Hana naga yeelo
kuwo Alle
Kaligiis
Caabuda
islamarkaasna
Isku
Naxariista-Aamiin.
Waxaa Qoray:
Hassan
S.A.Shirwa