Ardayda Dugsiga sare
ee SYL magaalada
Gaalkacyo ayaa waxa
ay bilaabeen howlo
ay ku hormarnayaan
bilicda Magaalada
Caasimadda ah ee
Gaalkacyo.
Ardayda ayaa waxa ay
ka bilaabeen
bartamaha Magaalada
Gaalkacyo ee xarunta
Galmudug howlo
dhismo ay ku
sameynayaan
hareeraha iyo
bartama jidka
wadnaha ah ee Bile
Rafle kaasi oo ay
Ardayda dugsiga Sare
ee SYL ay iskaa wax
uqabso ushaqaynayeen.
Jidka
Bile Rafle oo ay ka
muuqatay burbur
xoogan oo soo gaaray
intii lagu guda
jiray Dowlad
la’aanta Soomaaliya
ayaa tani waxa ay
xasuusinaysaa
Bulshadii goobjooga
u aheed Bari
samaadkii.
Ardayda ayaa
barnaamijkan waxa ay
ku fulinayaan qaab
ah iskaa wax u qabso
iyadoona dhisma
gacanta kula jireen
taasi oo muujinaysa
sida ay oga go’tahay
soo celinta Bilicsda
Galmudg.

Bilowgii dhismaha
wadada Bile rafle ee
Ardayda Dugsiga Sare
ee SYL ayaa waxaa
goobjoog ahaa
Mas’uuliyiin ka
tirsan Galmudug
iyadoona Gudoomiyaha
Gobolka Mudug mudane
Iimaan Xasan Jiirow
uu halkaasi hadlay
isagoona oga mahad
celiyay Ardayda
Dugsiga sare ee SYL
howlaha ay ka wadaan
Gobalka Mudug.
Sidoo
kale waxaa halkaasi
ka hadlay
Gudoomiyaha
Jumciyada Al-Ihsaan
Sh. Muxyadiin Yuusuf
Bare iyo qaar ka
tirsan Ardayda
Dugsiga Sare ee SYL
iyagoona u ballan
qaaday Bulshada
Galmudug inay qaban
doonaan howlo badan
oo farax galin doona
Bulshadaasi.

Wax
qabadkaani ay
sameynayaan Ardayda
SYL ayaa inta badan
waxa soo qaban
qaabiyay kharash iyo
Fikirba Ardaydaasi
iyagoona Gacan weyn
ka helaya qaar ka
tirsan Ganacsatada
Galmudug.
Ugu
danbeentii Ardayda
Dudsiga Sare ee SYL
ayaa bulshada u soo
jeediyay baaq in
laga qab yqaato
horumarka Galmudug.