Ardeyda Jaamacadda Galkayo University (GU) ayaa Maantay xaflad sagootin ah waxa ay u sameeyeen Macalin Maxamed Muxyadiin Cali oo ku magacdheer (Macalin Rooble) kaasoo ka mid ah barayaasha wax ka dhiga Jaamacadda Galkayo University (GU).

Xafaladaan oo ka dhacday hoolka shirarka ee Hotelka Embassy ayaa waxaa soo qabanqaabiyay dhammaan Ardeyda Jaamacadda Galkayo University (GU).
Xafladda loo dhigay Macalin Rooble waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin aad u fara badan oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Jaamacadda Galkayo University (GU).Pro. C/qaadir Maxamed Shirwac,Marwo Qarad Sheikh Cilmi Barqadle,Barayaasha Jaamacadda,Maamulka Galmudug, Ganacsatada Gobolka Mudug, iyo Marti Sharaf Kale.
Ugu horeyn xafladda waxaa aayadu qur’aan ah ka soo jeediyay Xasan Cismaan Maxamed (Xasan Kafi) oo ka mid ah Ardeyda Dhigata Jaamacadda Galkayo University (GU) gaar ahaan Kuliyadda Caafimaadka.

Xafladda waxaa ka hadashay Macalin Faadumo Xasan Aadan oo ah Maamulha Iskuulka Mudug (MSS) islamarkaana ah Gudoomiyaha Ardeydii soo qabanqaabisay Xafladda waxayna Macalin Rooble Gudoonsiisay Shahaado sharaf aad u qiimo badan.

Gudoomiyaha Jaamacadda Galkayo University (GU).Pro. C/qaadir Maxamed Shirwac oo ka hadlay xafladda ayaa waxa uu sheegay in uu aad ula dhacay qaabka xafladda loo soo abaabulay, waxa uuna Ardeyda ku dhiirigaliyay in ay sii wataan dadaalkooda waxbarsho.
Sidoo Kale goobta waxaa hadalo ka jeediyay Macalin Rooble oo ku hadlayay Afsoomaali taasoo ah waxyaabihii uu kororsaday intii uu joogay soomaaliya sababtoo ah Macalin Rooble kuma uusan hadali jirin luqada soomaaliga ah markii uu ka yimid Canada.
Abwaan Xasan Siyaad Culusow (Sharmooge) oo xafladda ka soo qeyb galay ayaa xafladda ka qaadayay heeso lagu amaanayay Macalin Rooble iyo Geesiyaashii dhibaatada la qeybsaday Dadkooda Xilligii Abaaraha.

Abwaan Sharmooge waxa uu goobta ka qaaday hees dadkoo dhan dareenkooda kicisay waana heestii calanka soomaaliya taasoo ahayd Soomaaliyeey toosa,Toosoo isku tiirsada,Hadba kiina taagdaran taageera waligiin.
Dhinaca kale Macalin Maxamed Muxyadiin Cali (Macalin Rooble) waxa uu xaflad qado sharaf ah u sameeyay dhamaan Maamulka,Macalimiinta iyo Marti sharaf kale xafladaasina waxa ay ka dhacaday xarunta Jaamacadda Galkayo University (GU).
Ugu danbeyntii xafladan maantay lagu sagootinayay Macalin Maxamed Muxyadiin Cali (Macalin Rooble) ayaa waxa ay ku soo beegmeysaa 1da Lulyo oo ah maalin Soomaalida oo dhan ku weyn waana Maalintii ay xornimada qaateen Gobolada Koofureed ee Soomaaliya, waana Maalintii ay Midoobeen labada Gobol (Waqooyi iyo Koofur).
Mas’uuliyiintii Xafladda lagu sagootinayay Macalin Rooble ka hadshay waxaa kala ahaayeen sidatan:
1. Gudoomiyaha Jaamacadda Galkayo University (GU) Pro. C/qaadir Maxamed Shirwac.
2. Marwo Qarad Sheikh Cilmi Barqadle.
3. Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Galkayo University (GU) Dr. Maxamed Axmed Wehliye.
4. Macalin Sam oo ka mid ah Barayaasha Jaamacadda Galkayo University (GU).
5. Siciid Xasan Cosoble oo ka mid ah Mas’uuliyiinta MUFED.
6. Maamulaha Dugsiga Sare ee Mudug (MSS) Macalin Faadumo Xasan Aadan.
7. Daahir Axmed Soofe oo ah Gudoomiye Ku xigeenkii Gudigii Xafladda Soo abaabulay.
8. Maxamed C/raxmaan Maxamed (Aayarsocoto) oo ka mid Gudigii Xafladda Soo abaabulay.
9. Majaajileyste Sare Abwaan Kaadheere.
10. iyo Gabyaaga Sare Axmed Cismaan Cilmi.
F.G. sawirada Bilicda san ee Xafladaan waxaa xuquuqdooda iska leh wariye Nuuradiin Cismaan
Mahadi ha ka gaartee........
Nuuradiin Cismaan Maxamed(Abuuakram)
Nuuradiin5@hotmail.com or Abuuakram1@gmail.com
Tell: 0025290-753825
Galkaio-Galmudug-Somalia