
Saxaafada ka
hawlgasha deegaanada
Galmudug State door
ceynkee ah ayay kaga
jirtaa saxaafada uga
jirtaa warbaahinta
dalka Somalia?
By:Cumar Yuusuf
Dhoodhoob
Saxaafada
ka hawlgasha
deegaanada Galmudug
State door ceynkee
ah ayay kaga jirtaa
saxaafada uga jirtaa
warbaahinta dalka
Somalia?
Qarnigan 21aad
waxaa dalka
soomaaliya ka dhaqan
galay saxaafada
madaxbanaan oo nooc
kasta leh, laakiin
saxaafada waxaa ku
adkaatay in ay ka
run sheegto magaca
ay huwan tahay,
marka laga reebo
saxaafada madaxa
banaan ee ka
hawlgasha deegaanada
Glamudug State.
Su’aashu waxay
tahay, yaa ogaan
kara saxaafadan in
ay tahay horyaalka
saxaafada dalka oo
dhan?.
Jawaabta meel
dheer haka raadin,
waxaa ogaan kara qof
kasta oo deeganadaas
tagay ama dhageystay
idaacadahaas ama
daalacday website-yada
deegaanadaas ku
lugta leh.
Dadka qaxa ku
tagay deegaanadaas,
waxaa ka mid ah
aniga oo cumar
Dhoodhoob ah, waxaan
Gaalkacyo wariye
ahaan uga shaqeyay
muddo sanad ah,
waxaana ahaa soo
saarihii wargeyskii
XIDDIGTA MUDUG.
waxaan ka marag ahay
dhalinyara da’yarta
ah ee deegaanada
Galmudug ka
hawlgasha in ka
jawaabeen su’aasha
ah waa maxay shaqada
saxaafada
madaxbanaan?.
Waxay si toos u
tabiyaan ama u
qoraan dhacdooyinka
maalin laha ah ee
guud ahaa dalka oo
dhan, waxayna
baahiyaan akhbaartii
ugu dambeysay oo
barax la’, waqtigii
uu dhacay iyo cidii
ku lug laheyd
dhacdada, hadii ay
xun tahay iyo hadii
ay wanaagsan tahayba
waa ninkeed dhiba.
Hoyaalnimada halka
ay ka heleen waa
runta ay baahinayaan,
inkastoo dadka
siyaasada ku lugta
leh aysan jecleen
xaqiiqda oo qayaxan.
Ugu dambeyntii
waxaan ugu baaqayaa
bahda saxaafada
Galmudug in aysan
wadadan marna ka
weecan, mar hadaad
saxaafad ku lug
leedahay cagajugleyn
waa la kulimi kartaa,
laaluushana waa
laguugu yaboohi
karaa, mar uga baxso
si asluubeysan,
waxaan halkaan ka
salaamayaa
wariyeyaashii aan
soo wada shaqeynay
iyo kuwa kadibkee
hawsha dhinacooda ka
sii amba qaaday .
Cumar Yuusuf
Dhoodhoob 5652368
Mogadisho-Somalia