Hay'adda SCDO oo mashaariic waxbarasho lacag la'aan ah oo xagga biyaha ah ka hirgalisay magaalada Gaalkacyo iyo degmada Wisil ee gobolka Hobyo.



Thursday, May 15, 2008

 

       Hay'adda Somali Community Development Organization SCDO, xarunteeduna ay tahay magaalada Gaalkacyo, waa hay'ad Waddaniga ah oo ka hawl-gasha deegaannada Dawlad-goboleedka GalMudug. waxayna wax ka qabataa dhinacyada baahiyaha Biyaha, sida dayac-tirka ceelashii hore iyo qodidda kuwo cusub.
 
 
        Haddaba hay'adda SCDO, ayaa dhawaan ku dhaqaaqday wax-qabad kale oo cusub oo lagu diirsaday. kaasoo ah 2 mashaariic waxbarasho oo si lacag-la'aan ah wax loogu barayo dadka da'doodu ay ka weyntahay 18 sano. kuwaasoo iskugu jira rag iyo dumarba. waxayna hay'adda SCDO labadaas mashruuc ee waxbarasho dadka waaweyn ka kala hir-galisay magaalada Gaalkacyo iyo degmada Wisil ee gobolka Hobyo.
 
 
      Waxayna hay'adda SCDO ka dhistay Gaalkacyo iyo Wisil labo xarumood oo midkiiba ku fadhiyo 40Mx40m. labadaas xarumood mid kasta waxa uu ka kooban yahay afar fasal. oo midkiiba ay halkii mar wax ku baran karaan 40 qof oo iskugu jira rag iyo dumar. waxayna isku noqonayaan, guud ahaan, dadka wax ka barta labadaas xarumood ee SCDO 120 arday. sida uu ii sheegay Agaasimaha SCDO mudane Mursal Xaashi Shirwac, oo aan dhawaan xafiiskiisa magaalada Gaalkacyo waraysi kula yeeshay.
 
 
    Labadaan mashruuc ee waxbarasho ayaa SCDO waxaa hirgalinteeda gacan ka siisay hay'adda ADRA. waxaana dhaqaalaha ku baxay ku deeqday dawladda Norway.
 
 
       Xaflado kala duwan oo lagu furayay 2-aas xarumood ee SCDO ayaa lagu kala qabtay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Wisil.
 
     Waxaana furitaanka degmada Wisil xarigga ka jaray guddoomiyaha gobolka Hobyo ee Dawlad-goboleedka GalMudug mudane Max'ed Axmed Caalin. oo halkaas gudbad uu ka jeediyay ugu mahad-celiyay madaxda hay'adda SCDO waxqabadkooda la xiriira baahiyaha bulshada ee dhinacyada Biyaha iyo Waxbarashada. wuxuuna guddoomiye Caalin kula dardaarmay masuuliyiinta SCDO inay sii dardar-galiyaan wax-qabadkooda.
 
 
       Sidoo kale waxaa halkaas hadallo ka soo kala jeediyay xiriiriyaha Hay'adda SCDO ee Soomaaliya mudane Max'ed Cabdi Kaamil iyo Agaasimaha SCDO u qaabbilsan GalMudug mudane Mursal Xaashi Shirwac. waxayna masuuliyiintaasi sharraxaad ka bixiyeen doorka ay mashaariicdan waxbarasho ka ciyaarayaan horumarinta deegaannada Dawlad-goboleedka GalMudug.
 
 
      Ujeeddooyinka SCDO ay ka leedahay mashaariicdan, masuuliyiinta SCDO waxay ku sheegeen inay tahay sidii deegaannada GalMudug loogu fidin lahaa waxbarashada lacag-aanta ah. iyadoo marka laga saaro ardada wax-qoris-akhris la'aanta lagu talo jiro in la baro xirfado ay ka mid yihiin fuundinnimo, Korontada, Faryaamada iyo qaybahala la isku yiraahdo (Domestico) farsamnada tolliinka dharka iyo harqaammada.
 
 
         Masuuliyiintii kale ee SCDO ee munaasabadahaas ka qayb-galay ayaa waxaa ka mid ahaa Khaliif Cabdi Dhalac, Ubax Yabarow, iyo Shariif Max'uud Kaynaan.
 
 

 Calideeq Max'ed Xaashi.
 nabadda1@hotmail.com
+25290751239
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya.