
Xarardheere: Waa U Siyaasad
Xumo Galmudug In Ay Guluf
Colaad Abuurto
Sabti, 10ka July, 2010.
Bismilaahi Raxmaani Raxiim
====================
Warar lagu kalsoonaan karo
oo ka soo ifbaxaya Koofurta
Gaalkacyo iyo gobolka Hobyo
ayaa tilmaamaya in maamulka
Galmudug uu qorshaynayo ama
u tafaxeydan yahay in
Maleeshiyadiisa ku abtirsata
Jimciyadda loo bixiyay
Samatariya-Suufiyada in ay
dagaal aan laga fiirsan ay
ku qaadaan deegaanka
Xarardheere oo ay hadda
gacanta ku hayaan kooxda
Xisbul Islaam. Sida warar
sugani sheegayaan,
Maleeshiyada Xisbul Islaam
oo hadda kataliya degmada
Xarardheere waxay badankood
kasoo jeedaan deeganada
Cadaado iyo Dhuusamareeb ama
haddii si kale loo dhigo waa
rag Habar GIdir ah, mana
jirto wax dhib ah ama maamul
xumaa oo ay ku hayaan
deegaanka Xarardheere amaba
is-balaarin ay wadaan sida
muuqata.
SIdaas daraateed, maamulka
hadda sheegta in uu kataliyo
Galmudug waa u siyaasad xumo,
qar iska tuurnimo iyo
balaayo aan loo joogin lugo
laraadsasho haddii ay dagaal
ku qaadaan Maleeshiyada
Xisbul Islaam oo gacanta ku
haysa Xarardheere waayo
Maleeshiyadaasi wax qatar ah
kuma hayaan deegaanada
Galmudug, deetana majirto
sababo loo abuuro colaado ku
keeni kara deegaanada
Koofurta Mudug dagaalo lagu
riiqmo, burbur iyo barakacyo.
Teeda kale, maamulka
Galmudug waa curdan
tabartiisu iyo towfiiqsu
kooban tahay oo aysan marna
ku habooneyn in ay colaado
iyo dagaalo ku deg degaan
ilamaa ay ka fursanwaa
noqoto mooyee. Haddaba ma
muuqato sabab uu maamulka
Galmudug uu xiligan u
abaabulo dagaalo iyo
xasarado guluf colaadeed
haddii aysan jirin dano gaar
ah oo la meeleynayo ama la
raali galinayo.
Gunaanadkii, maanta xaalka
dadka iyo dalka Somalia
wuxuu marayaa meel halis ah
oo wuxuu mar kale dalka
Somalia (bartamaha iyo
koofurta Somalia) qarka u
saaran tahay in huwan
cadowyo ah oo ay
hoggaamineyso dowladda
Ethiopia in ay markale
xasuuq ba'an geysteen,
dabadeedna dadka iyo dalka
Somalia laga dhigo xero
edegyo qabaa'ilo(tribal
fiefdoms) oo ay Ethiopia u
taliso oo adoonsato. Haddaba
maamulka Galmudug waxaa ku
aadan in uu maqlo dhawaaqa
iyo dareenka shacabka
Koofurta Gaalkacyo oo maanta
dhigay mudaharaad (public
rally protests) ay oga soo
horjeedaan in maamulka
Galmudug oo uu hadda
garwadeenka ka yahay Maxamed
Axmed Caalin, uu dagaal ku
qaado deegaanka Xarardheere.
Dagaalo loo arki karo in
dano gaar ah laga leeyahay
islamarkaasna caamada loo
tusayo in dagaalku ku
saleysan yahay Caqiido,
waxaa ka dhalan karo
halaagyo ummadda saameeya
guud ahaan oo keena colaado
iyo bur bur baaha, mana ahan
wax reer Galmudug dani ugu
jiro habayaraatee iyo guud
ahaan gobolka Mudug.
Waa wax fudud in xasarado
dagaal la abuuro;
balse waa amuur aad u adag
in xasaradahaas dagaal la
joojiyo.
By Hassan Shirwa