Dulucda iyo Murtida Maqaalkaan Xambaarsan yahay waxay u gaar tahay oo kaliya Qoraaga soo Qoray waa Jaqaf Muumin, Waxaanse ku kalsoonnahay in 90% ba Jaqaf yahay nin war gal ah oo aan beenta qorin, maqaala badanna noo soo diray jiritaankeena walow aanan aqoon gaar ahaaneed isku laheyn, waxaanse marar badan ka sheekeysanay waayaha adduunkiyo sidii Soomaaliya ahaan jirtay iyo xilligii Iskoolaadka laga baran jiray Jamcu Mudakar As saalim, Jamcu mi'annath As Saalim iyo Jamcu Taksiir, oo ah naxwaha carabiga Iskoolaadka Carabiga laga baran jiray


Written by Jaqaf Muumin, Mogadishu, Somalia.

Marka hore waxaan rabaa inaan fursaddaan ka faa'ideysto oo aan Tacsi u diro Eheladii Soomaalida wada muslimiinta aheyd ee Hoteelka ay ku xasuuqeen Waxuushta argagixisada ah ee Alshabaab, marka xiga waxaan u mahad celnaayaa web site yada Soomaaliyeed ee Maqaalkeyga Dhiilada Colaadeed Xambaarsan soo galiyay anigoo u diray maqaalkaan 42 website oo ah website yada Soomaalida, walow qaarkood badan e-mailadoodu igu soo noqdeen waxaanse Codsanayaa in akhristayaashu maqaalkaan u e-mail gareeyaan website yada Soomaalida.

Todobaad ka hor weerarka ayaan booqday Hoteel Muna oo aan kula ballansanaa Saaxiib keyga ah oo u shaqeeyaya hay'adaha Samafalka Caalamiga ah iyadoo nawaaxiga Hoteelku ku yaal tahay meel ay adag tahay in fal ceynkaasi oo kale ay ka hirgaliyaan wuxuushta Alshebaab hadeysanGacan ka heleeyn rag ka mid ah madaxda sare ee Dowladda, waase tii hore Masaarta loo yiri "Geed ma goyseen hadaadan Daab geed laga sameeyay ku kaabineeyn".

Waxaa Hubaal ah in Falkaan ahaa mid laga soo abaabulay Madaxtooyada Shiikh Shariif iyo ragga mayalka adag ee labada Dhinacba ka tuma cayaarta Sabata oo ah waxa loo halbeegsaday Hoteelkaan ayaa ah in lagu ogaa in rag badan oo wax ku ool ah ay deganayaan Hoteelka ha noqdaano Xildhibaano ama sirdoonka Dowladda, Hoteelka Nawaaxigiisa ayaa waxaa ka mamnuuc ahaa Gaadiidka ugu yaraan 1 Km, maalinkii aan ku booqanayayNinka aan saaxiibka aheynna waxay igu qaadatay Saacad kaamil ah inaan gaaro Hoteelka iyadoo bar isbaaro ah nalooga reebtay Gaari aan wadannaykadibna Hoteelka concierge kiisa la weydiiyay in ruuxa magacaas leh deggan yahay Hoteelka iyo inuu aqbalaayo booqasho iyadoo isla markaana nala su'aalay qabiilka aan nahay iyo waxa Camal aan ka heyno Muqdisho iyo, markaan intiiba u sheegnay  oo aan tusiyay warqadeyda aqoonsiga oo ah mid ka sharciyeysan Muqdisho goobaha tirada yar ee ay ka taliso Dowladda imkaarta qabto ee shariif Sheekh Axmed (Sheekh kuma sheegi karo).

Hoteelka markaan gaarnay ayaa Saaxiibkeey oo aan muddo dheer is arag laga soo waday qolkiisa oo igu sugayay qol muraayado madow leh oo albaabka Hoteelka agtiisa ah oo isaga iyo ragga Hotelka security ga ka ah na arki karaan annaguse aan arki karin, aniga iyo laba dhalinyaro ah oo ila socotay ayaa nala kala reebay oo qofba dhan loo su'aalay halka aan ku barannay ninka aan u soconno labada Dhalinyarada ah ayaa sheegay iney yihiin waardiyayaalkeyga oo aysan aqoonin ninka loo socda, taasoo hadlkeenii is waafaqay, intaa kaliya kuma ekaan ee waxaa qolkii soke la geeyay nin aan aniga aheyn oo la yiri saaxiibkeey maad garani ninkaan ku soo booqday?, taasoo uu yiri maya maahan ninkaan qofkaan sugaayay, taasoo markii xigtay la isu daray saddex qof oo kale oo la yiri waa kuma ninkaad sugeysay, kasoo dhex saar raggan saddexda ah, isagoo farta iu fiiqay yirina ninkaas foosha xun waaye ninkaan sugayay, kaftan ahaanna u raaciyay ninkaas habartii dhashay ayaa inta ka yaabtay Jaqaf u bixisay magac kalena ma laha ninka aan sugayay nin jaqaf lagu soo qabt waaye, iyagoo markaas i sii daayay igana raali galiyay halkasoo aan cambaar ku sheekeysanayuna sheegay inaan qol uga diyaariyay Gurigeyga oo ku yaal Xaafadii aan ku soo wada kornay ayna amaankeeda ilaaliyaan Ciyaalka Xaafadda oo u badan dhalinyaro ay dhaleen ragii aan banooniga wada ciyaari jirnay halkaasoo isla maalinimadii aan boorsooyinkiisa u soo qaadnay walow uu kirada bil hore u bixiyay .

Intii aan Hoteelka ka soo rarin Saaxiibkeey ayaa waxaa milicsanayaya ragga Hoteelka deggan oo badankood ahaayeen rag qurbaha ka tagay badankoodna ay u xirneyd bastoolado Casri ah nooca la yiraahdo (Semi Automatic).

Haddaba intee wax ka qaldmeen Hoteelka aan dhibka intaas ah aan u maray in Laba Ahlu naar oo shufta argagixisa ah inta yimaadaan iyagoo aad u hubeysan inta qol qol u galeen Hoteelkii xasuuq halkaas ka bilaabay waxaana ogaaday oo maalmo kadib la ii sheegay in aysan dhicin in hal ruux oo ka mid ahaa raggii hoteelka degganaa oo is difaacay oo midba midka kale sugayay inta laga dilayo, ilaa wuxuushtii ay ka dhamaatay Rasaastii oo ay halkaas isku qarxiyeen Cadaabta Jaxiima Jazadooda Allaha ka yeelee.

Waxaa fajiciso ila noqotay oo maskaxdeydu qaadan weysay in Boqollaal qof oo meel wada joogay laga waayay hal qof oo iska caabiya Aargagixisada wal ciyaadatu billaahi.

Waxaa rumeystay hadallo magaalada Muqdisho la isla dhex marayay xilligii maxaakiimta ay soo if baxeen oo ay Shacabka Muqdisho si waali ah u taageerayeen taasoo aheyd in Taageeradaan shacabku aheyn mid caadi ah ay tahay Sixir ay walaaqeen Xasan Daahir Aweys iyo Shariif sheekh Axmed oo wax badan magaalada la hadal haayay in sixirkaasi yahay mid jiro iyo midaan jirin, waxaanse maanta oo Ramadaan ah aan dib u soo xasuustay habkii aan ku taageeray Maxaakiimta oo aheyd mid si aan caaadi aheyn u dhacday, waxaana xaqiiqa ah in ay Labada dulli oo maxaakiimta horboodayay ay sixir ku shubeen Biyaha magaalada laga cabo intooda badan, waxaana ka badbaaday xaafado fara ku tiris ah oo aan markaas farahooda ku jirin iyo xaafado leh ceelal u gaar ah oo milkilyaasha ceelashaas Quful xoog leh ku taagi jireen Ceelashaas xilliga aan laga dhaansaneeyn, iyadoo weliba ceelashaas Afka ka xirnaayeen oo Matoor tuubooyin leh biyaha soo tuurayeen!

Sixirkeey maleegeen Xasan Daahir Aweys iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa keentay in dadku noqdaan kuwa dareenkii aadminimo laga qaaday oo jaha ay u socdaan iyo meel ay joogaan aan kala garaneyn noqdayna sidii ugaarta dibad joogta ah oo ka liita Lo'da iyo Ari carbeedka Beesaaniyaalka ah oo marka madaafiicda dhaceyso ku carar dhismayaalka Saqafka shubka ah leh !

Sixirkii Haleelay Jaqaf iyo wixii i Qabsaday

Waxaan xasuustaa galab duhur sidii aan meel u fadhinay ayaa naloo yimid nalaguna daray guutooyin weerarayay Dagaal oogihii Cabdi Qeybdiid iyo xafadii seey Biyano, anagoon hadal ka soo celin oo badankeen aan aqoon sida qoriga loo rido dagaal horena aan galin ayaan baabuurtii ku qulqulnay tii ka dhacdayna waa la ogaa oo 5 qof oo dhaawac ah oo aan anigu ku jiro ayaa ka badbaaday boqolaal nin oo sixran oo la daagalgaliyay, waxaanse aad ula yaabay in aan yeelan waayay wax dareen ah oo cabsi ah ama dareen Xanuun oo xitaa anoo dhaawac ah aan garan waayay in xanuun i haayo, nasiibse waxaan ku yeeshay Islaan aan daris aheyn oo magaceeda la oran jiray Aay yaquulo Wiilasheeda ku amartay iney garba duub iisoo qabtaan oo gaari gacan igu geeyaan Isbitaalka kuwaas oo habeen iyo maalin i kor joogay quraan aad u fara badanna igu akhriyay todobaad ka bacdi markaan soo miirsaday ayaan aqoonsaday meesha aan joogay iyadoo wax ehel ah ay iigu sokeeyeen Ay yaquulo iyo wiilasheeda oo il gaar ah igu eegayay aana dhibsanayay nuxnuxda hadalkooda oo ay ka mid ahaayeen " ee Laqamaha Sixirkii aa galay Wadkiisaa wadee iska daaya hala soo dilee" iyo hadallo fara badan.

Subixii dambe markii Maxaakiimtu qabsadeen Magaalada oo dhan ayaan tagay Tarabuunka oo lagu taageerayay oo dad aniga oo kale ah joogaan iyadoo Shabaab oo markaas xaniinyaha la soo baxayay dadkii ul la dhex galeen iyadoo aysan jirin wax sabab ah oo loo uleeyo, Waxaase hadda ii cadaatay in taasi aheyd tijaabo saaxiradu ku fiirinayeen in sixirkoodu shaqeeyay iyo in kale dadka la uleynayay waxaa ku jiray odayaal Todobaatan jirro ah, waxaa dhacday inaan mar kaliya uu madaxa i kala baray ul uu Mooryaan shabaab ah igu dhuftay taasoo iigu miir dambeysay in Dadkii jidbeysnaa igu tunteen Lix saacadood ka bacdina meel Qashin Qub ah la i geeyay iyadoo la igu daray dad meyd ah oo meesha ku naf waayay.

Waxaa Nasiib wanaag ah oday waayeel ah oo wiil uu dhalay raadinayay inuu dareemay in weli nafi igu jirto, kaasoo biya igu qabtay Madaxana mara iiga xiray, ninkaasoo afka maay maayga ku hadlayay oo aan innaba waxba ka fahmi waayay, wuxuuna ii lugeysiiyay xaafad aan ka dheereyn Tarabuunka halkaaso oo uu subaxiina iga saaray Gaari Siteey ma noogta ah oo uu i geeyay buula mareetro oo uu beero ku lahaa reerkiisuna daganaa, isagoo markii dambana i geeyay Isbitaalkii Buula mareerto oo ay buux dhaafiyeen dad sideydoo kale dhaawac aan dagaal ka soo gaarin qabaan oo dhamidood Muqdisho laga keenay.

Waxaa Ilaah mahadiis ah in ninkii odayga ahaa ii xanaaneeyay sidii wiil uu dhalay isagoo ii sheegay in wiilkiisii uu Baadi goobayay maalinkii uu i soo helayay loo soo sheegay inuu meyday Ilaah ha u naxariistee una dhintay dhaawacii ka gaaray uleyntii shabaabka dhiig bixiisa, wuxuuna ii sheegay inuu fiyoobeen wiilkiisii anna aan fiyoobeen laakiin uu quraan i saari doono hadii dalagga beerta uga soo go'a u gadmaan hal dibi ah oo u joogayna uu qiima fiican ku helo.

Bil kadib ayaa la i geeyay meel Mowlac ah oo culimo ahlu diin ah oo Saalaxiya ah ku digriyaan kuwaas oo dikrigooda oo dhan yahay 114 ka qur'aanka ah, waxaa qur'aan akhris la igu waday todoba bilood anoo ka mid noqday Xertii laakiin dhib iga heystay inaan kala garto salaadaha la tukanaayo Subaxa iyo Casirka.

Waxaan innaba xasuusan waayay waxyaabihii aan soo maray magaceeyga iyo wax ehel ii ah, taasoo xaajigii i keenay Tulada uu iga dareemay inaan soo roonaanayo, kaasoo ii dhisay Gabar Muxsinad ah una sheegay inaan kaalmo u baahanahay oo maskaxdeydu taam aheyn, ayna iyadu noqon karto mid Ilaah Caafimaadkeyga uu sababa uga dhigo, halkii aan ku wada aqal galnay iyadoo dadka tuulada dhan ay iigu yeeraan Maadeey, maalmo kadib markaan aqal galnay oo aan raaxada guurka la qeybsaday Xaaskeyga ayaan  soo xasuustay magaceyga, iyo sidii wax u dhaceen iyo inaan Xaas iyo caruur Xamar uga soo tagay, magaceyguna maadeey aheyn ee uu yahay Jaqaf, Gabadhii xaaskeyga aheyd ayaan u sheegay in magaceyga runta ah la yiraahdo Jaqaf Muumin taasoo mar kaliya qosol la dhacday jaqaf aa qof bini aadmi ah Jaqaf ma loo bixiyee wax kale amaa ii sheegee, sidoo kale Xaaji Amiin iyo Culimadii tuulada ayaan u sheegay magaceyga waxayna dhibaato ka dhacday cidii nin waalan warkiisa rumeysan laheyd, waxaan noqday Mu`addinka Mowlaca iyo qaadum intaba anoo bilaabay Akhriska quràanka kariimka ah 5 ta salaadood ka hor iyo kadib, subixii dambe ayaa Xaaskeygii Fooli qabatay oo aan Isbitaalaka Buula mareeto geeynay, waxayse noo sheegeen ineysan suurtagal aheyn in Gabadhaan oo sidda mataano iney ka umuliyaan Ilmaha oo ay u baahaneyso in Xamar loo qaado oo qalliin lagu sameeyo, Halkaasoo Xaaji Amiin, anigaiyo Soddohdeey ay Raaliyo Axmed uu na soo qaaday dhakhtar ka mid ahaa dhakhaatiirta Isbitaalka oo daawooyin iyo Qalab ka doonayay Muqdisho, markaas ayaan ka war helay in Maxaakiimtii burbureen waddankiina Amxaaro qabsatay, Waxaa dhacday in Isbitaalkii Madiina naloo ogolaaday in la seexiyo xaaskeyga oo fool cuus  heyso halkiina ku dhashay laba Ilmo oo mataano ah, wax yar ka dib ayaa gabar yar oo ka mid ah kalkaaliyaashii Isbitaalka qeylo af laba taako kala furtay iyadoo leh  ``Alla waa aabaheey``, Xaaji Amiin ayaa markiiba ku soo booday oo yiri Adeer Dadka waa isku eg yihiin ninkaan aabahaa maaho, Wallaahi waa Aabahey ayay ugu jawaabtay, iyadoo aan markiiba ku iri Sucaad Aabo, halkiina igu soo boodday.

Xaaji Amiin ayaa warsaday gabadha magaceeda oo saddaxan iyadoo tiri Sucaad Jaqaf Muumin, halkaasoo xaajigu ku qancay ogaadayna inaan bilo ka hor aan miyirkeeygii helay laakiin magaca Jaqaf markaan u sheegtay is yiri weli waa lagu laban yahay, halkii ayaan Gabadheydii sucaad isku wareeysannay oon ku iri waxa igu dhacay war laguma soo koobi karee ii warran reerkii iyo Hooyo ka warran, waxaayna ii sheegtay markii miriqdeyda la waayay muddana la iga war sugaayeen in Tacsi la ii sameeyay, Hooyana Asaay Qaadday waxaana hadda aroosay Wadaad ka mid ah kuwii Maxaakiimta oo Xaafadda madax looga soo dhigay oo aad noo caawiyay aniga xitaa shaqada iiga helay Isbitaalaka, haddana isagii markii Amxaaradu waddanka qabsatay ayaa miriqdiisii la la`yahay Hooyana Asaayda labaad beri ayaa laga dajinayaa.

Reerkii ayaan u sheegay in dhibaato yar meesha jirto oo caruurteydii iyo Xaaskeygii Xamar joogaan, oo aan guri ku leeyahay meeshaan , aana u sheegay in ay ku umul baxdo Gurigeyga, markii aan gaaray Gurigeyga oo indhaha qac isku siinay Afadeydii hore , owlaadeydii hooyadood ayay sara joogga ka dhacday, taasoo dib noogu celisay isbitaalkii aan daqiiqado ka hor ka soo tagnay, saddax maalmood ka dibna iyadoo caafimaad qabta laga soo saaray Isbitaalka.

Intaasi waxay ahayd araartii warkeyga haddana haddaan dulucda maqaalkeyga galo Wax diin Islaanimo la yiraahdo oo ay Shariif Sh. Axmed, Xasan Daahir Aweys, walaa maxaakiim, walaa shabaab ay heystaan ma jirto waa shirki waxa ay dhamaantood ku dhaqmayaan waxayna waddanka soo galiyeen Saaxiro iyo dambiilayaal waxaana sixirkooda ka badbaaday intii Ilaah ku xirneyd oo taqwada rabbi ku dhegtay .

Raggan Hoteel Muna lagu laayay waxaan eeddeeda dusha uga tuurayaa Shariif Sh. Axmed oo ay aheyd inuu sixir fur u sameeyo dadkii reer Muqdisho oo ay isaga iyo Ina Daahir Aweys Sixirka u maleegeen.

Shabaab baa kuu soo haray Saaxiradii oo dhan iyaga xaggooda ayay ku hareen oo xitaa waxaa u sixran Labadii Saaxir ee Macalimiinta u ahaa waa Shariif iyo Aweys.

Ninkii Fiyow aa fahmi karee oday Xasan marka Shabaabka ay ka dilaan Ammaan duulayaalkiisa uu ku dhaarto wuxuu ku hadlaa hadal sidii nin waalan walalaalaheyga Shabaab iyo aniga dhiigeenu isku ma banaana, sidoo kale Ow-Shariif oo garoonka diyaaradaha hoobiye looga horgeeynaayo waxow mar kasta dhahaa Xarakada Alshabaabul Mujaahidiin oo mucaaradka nagu ah.

Laba middood waaye in Aa Aweys iyo Eeboow Shariif ay yihiin laba majnuun oo meesha markii hore ee maxaakiimta la sameynayay Quwado shisheeye iyo Cadaw Soomaaliyeed keeneen iyo sixirkoodii ay liqeen oo wax sixir fur ku sameeyana ay heli la' yihiin.

Haddaba iyadoo ay tahay Bil Ramadaan waxaan ilaah ka baryaayaa in Shabaab sixirkoodu buraa inta sixirkooda wax ka ògeydna Ilaah mid ka reebin waa Mushrikiin Ilaah ka furtay.

Soomaaliyeey ha la duceysto oo Qur`aamo ha la aqristo waa naloo baxayee, wax kastaana quràankaa ka weyn oo daawa u ah !.

Jaqaf na weli waa lagu jiraa ee ha loo soo duceeyo

Jaqaf Muumin
Mogadishu, Somalia


F.G. Qoraalkan e-mailka lagu soo diray ayaa ah mid toos u aadayo Spam mailka bacdamaa uu qoraagu dooneyn inuu e-mailkiisa lagu raad raaco, cidii rabta iney Publish gareyso oo website yada kale galiso waa u xor hadeysan lafahooda u baqeyn.