
SHACABKA GALMUDUG MA WUXUU
DHAXAL U HELAY MAAMUL XUMO.,
By: Mustaf Hassan Ahmed (Qoyste), London-UK
Marka hore alle SWT ayey mahadi
u sugnaatay alihi I waafijiyay
inaan qoraal sameeyo waana uga
mahadcelinayaa, intaas waxaan
leeyahay dhamaan aqristayaasha
mudugnet.com salaam qiima
leh ayaan hawada idin soo
mariyay mele waliba oo aad
joogtaan, qoraalkan si qaas ah
ugama hadlayo koox ama shaqsi
gaar ah waxaan kaliya oo aan
cabiray fikirkeyga wallow ayba
qalad noqon karto hadana waxaa
muhiim in la isku tixgaliyo
fikradaha si loo helo afkaaro
badan kadibna talo iyo tusaalaba
looga qaato.,
Intaas kadib:,
Tan iyo waagii lagu dhawaaqay
maamul goboleedka Galmudug
state, ayaa waxaa soo maray
marxalado mid kasta lahayd
wayaheeda iyo wakhtigeeda, waxaa
soo maray waayo badan oo
farxadeed iyo kuwo baqdin iyo
murugadooda lahaa, kuwaas oo
ay dhamaantoodba ka soo gudubtay,
waxa kale oo ilaa wakhtigaas
Galmudug bar bar socday madax
iyo aqoonyahan sar sare oo ka
soo qaybqaatay sooyaalkeeda
taariikheed, amaan iyo dhaliil
wuxuu midkastaaba ka
xambaartay,inkasta oo shaqsiyaad
is bedelay mudadaas hadana
waxaan marnaba is bedelin
siyaasada sare ee lagu hago
Galmudug taas oo iyadu ah mid
aan geesna u dhaqaaqin oo aan
wadan wax la taabto oo is bedel
ah. iyada oo shacabka Galmudug
tan iyo mudadaas ka dhignaayeen
kuwo saaran doon bad weyn dhex
taagan oo aan dhanna uga bixin
biyahaas,doontaas oo ay ku
dhacday nasiib daro kaga timi
ama ka dhalatay Nakhuudaha iyo
shaqaalaha kale ee ka
qaybqaadanaya hagisteeda taas oo
hadii aan laga kor qaadin ama
laga bedelin naakhudaha degi
doonta iyada oo ay suurto gal
tahay in rakaabku
gadoodo,rakaabkan oo ay ka
muuqato rajo xumo weyn oo ay ka
qaadeen hogaan xumida iyo
daala-dhaca naakhudaha aan
dhana u socon karayn shacabkan
waa mid ay hareysay hogaan xumo
xag kastaba ah,waa hogaan ku
caan baxay , horumar la`aan kala
qaybin,doorasho wasiro aan
halbeeg laheyn oo uu ku hayo
shacabka ,maanta wuxuu shacabka
Galmudug ka taagan yahay
hogaanka quus tii ugu dambaysay.
waxaa hareeyey maceeshad xumo
baahsan,nidaam la,aan tii ugu
xumeyd iyadoo caruurtii
yaryareyd laga kaxeysanayo
goobaha waxbarasho meydkoodana
laga helayo xashiishadaha ,
iyada oo dhibaatada iyo
mustaqbal xumada deegaanku
marayo uu xarkaha goosatay xataa
aanay jirin cid ka damqanaysaa
oo ka tirsan xaga maamulka.
nolosha bulshada ayaa maraysa
meel rajo la,aan ah., Tani maaha
masiibo dabiici ah oo Alle
umadan dusha ka saaray balse waa
mid kaga timi xaga maamulkii ay
iyagu doorteen oo ku dad-qalatoobay,
dadku mahaystaan wax camal ah oo
ay qabtaan cid u maqan iyo cid
ka damqanaysa iyo cid ka
warhaysaa midina meesha ma
taalo, waxay u muuqdaan
shacabkani mid iyaga damiirkooda
loo ciqaabayo ka bacdi markii ay
garan waayeen waxa u wanaagsan
iyo wax u xun jirtaankooda
umadeed , shacabkani waa mid
jaahwareersan isla markaana
mudo dheer oo ku dhaw nus qarni
weli nasiib umay yeelan in ay
helaan maamul wanagsan oo ka
shaqeeya danahooda iyo waxay u
doorteen , bal u fiirso kuwa ay
doorteen iyo kuwa sugaya ee usoo
hanqaltaagaya in ay xukumaan waa
kuwo aan barnaamijkooduu waxba
ku kala duwanayn oo u tar
tamayawax aan jirin., maxaa
dhacay shacabka galmudugow?
miyaanad maqal oraahda leh qofka
muslimka ah god laba jeer lagama
wada qaniino ? shacabka
galmudugow maxaad ula xisaabtami
wayseen kuwaan madaxda idin ah?
shacabka galmudugow samirkaagu
miyaanu ahayn mid aqoon ku
dhisan oo mudo leh ? mise waxaad
samirkaaga ku sugaysaa
baaba'aaga? shacaka Galmudugow
ma idinkaa diyaar ah habsocodkan
daciifka ah ee maamulka galmudug
waxaynu daawanaa dhaqaale
xumidda, shaqo la,aanta
saameeyey nolosheenii gebi
ahaanba, kaas oo gaaray, nolosha
qoyskasta oo reer Galmudug ah.
maanta,bal hoos u eeg nolosha ay
ku sugan yihiin qoysas badan oo
dan yar ah kuwaas deegaanka ku
kala baahsan, kuwaas oo aan
cidina u maqnayn ceelna u
qodnayn, bal hoos u eeg
mustaqbal xumaanta kumanyaal
dhalin yaro ah oo aan haysan wax
camal ah iyo wax ay qabtaan, bal
hoos u eeg nolosha dadka Da,da
ah ee aan haysan wax daawo ah
oo ku filan, bal hoos u eeg
inta ubad aan haysan wax barasho
kadib markii waalidkoodii kari
waayay fiigii schoolka,
shacabkaw waa ayo cida aad
sugaysaan mustaqbalka galmudug
waa mid gebi ahaanba madaw oo
gudcur ah., Waxaana hubaal ah in
aan la isku dul noolaan doonin
ee maalin uun shacabkani
xisaabtami doono oo uu hurdada
ka toosi doona.waxaa muuqanaysa
waxyaabo badan oo Galmudug
jiritaankeda dhaawac ku
noqonaya,ama wax u dhimaya in ay
sii jirto oo uu ku kacay
maamulkan maanta jiraa ,sideedaba
waxaa maamul dawlad-nimo oo meel
ka taliya xididada u siiba marka
uu kiishada ka buxsado,
cadaalad-daro,musuq-maasuq, ku
xadgudub xoriyada qofka,kala
qaybin iyo iska horkeen
umadeed.iyo dhaqaale xumo.intaas
oo dhamaanteed ka muuqanaya
muraayada hore ee maamulkeena.
taasina waa nasiib daro weyn oo
dhaxal u ah dhamaanba shacabka
Galmudug., Waxaan qalbi
murugoonaya ku sugi doona goorta
shacabka galmudug xaqiisa heli
doono iyo sida uu xaqiisa u
dhacsan doono, taasina waa mid
waayaha soo socdaa inooga
jawaabi doonaan.,
Wixii aan
asiibay Alle ayey u sugnaatay
wixii aan qalday sheydaan ayey
ka timid, wixii talo ama tusaale
waxaad igu soo hagaajin kartaan
emailka:
mustafahmed2011@gmail.com .,
Wabilaahi
towfiiq.,
Mustaf
Hassan ahmed (Qoyste),
London-UK