
Dagaalka u dhaxeeya beelaha
Sacad iyo Saleebaan waa mid
aqmaxnimo ah oo aad
cadaaladda oga fog.
Soomaalidu waxay ku
maahmaahdaa '' labo caaq waa
hishiiyaan waayo laftay wada
jabiyaan oo iskuma turaan balse Caaqil
iyo Caaq ma hishiiyaan waayo
isku heer garasho dadnimo ma
joogaan''. Muxuu salka ku
hayaa dagaalka soo noqnoqday
ee Sacad iyo Saleebaan ?
Taaraakhiyan labadan beelood
inkastooy daris isku dhiban
ay yihiin, haddana waxay
kala degaan dhul kala duwan
oo qolo waliba soohdin u
gaar ah oo lagu yaqaan bay
degtaa. Laakiin labaatankii
sano oo ugu dambeeyay
Saleebaanku wuxuu ku
hawlanaa tabcasho maadaama
uusan dagaaladii sokeeye oo
dalka kadhacay uusan sidaas
oga qaybgalin marka laga
reebo goobo magaalada
Muqdisho ah oo ay qabsadeen.
Sanadkii 2004 bey walaalaha
Saleebaan bilaabeen in ay
dagaal ba'an la galaan
beesha Sacad kagadaal kolkii
waxmagarato mooryaan ah oo
beesha Sacad kasoo jeedaa ay
tuulada Docoley ku dileen
Odayaal Saleebaan ah oo ahaa
waxgarad birmageyto.
Inkastoo waxgaradka beesha
Sacad aad oga xumaadeen
dilkii docoley ka dhacay
islamarkaasna ka
tacsiyeeyeen, nabad iyo ka
xaalidna arrintaas ugu
baaqeen beesha Saleebaan,
beesha Saleebaan waxay
iswadajira u go'aansadeen in
ay dagaal ba'an lagalaan
Sacad waxayna hishiis hoose
oo dhagareed lagaleen dagaal
ooge Cabdullahi Yusuf Ahmed
oo xiligaas Xabashidu u
caleema saartay Madaxweye
TFG. Gulufkii colaadeed oo
bilowday maleeshiyada
Saleebaan waxay xoog ku
qabsadeen dhul Sacad sida
Hobyo iyo Galinsoor taasoo
keentay in dagaal xoogleh oo
lagu hoobtay uu dhexmaro
labada beelood iyadoo
akhirkii maleeshiyada
Saleebaan xoog oo laga
saaray Hobyo iyo Galinsoor.
Dagaalkaas labada beelood
dhexmaray 2004-2006 wali si
rasmiya labada beelood uma
hishiinin sababtuna waxaa
weeye beesha Saleebaan oo ka
lug jiidaysa in si rasmiya
loo hishiiyo waayo waxay ku
andacoonayaan in ay wax ku
leeyihiin magaalada Hobyo
iyo Galinsoor arrintaasoo
uusan Sacad marna aqbali
doonin waayo dhul ninkiisii
baa iska leh. Dagaalka
Dhagtuur kasocda waxaa
bilaabay beesha Saleebaan
iyagoo si gaadmaa oo gardar
cad ah ku xasuuqay 30
dhallinyaro Sacad habeen
madoow arrintaasoo aysan wax
garowshaa aysan beesha
Saleeban ka bixin xasuuqaas
ay geysteen.
Afmeer, labada beelood waxay
ku hishiin karaan oo kaliya
hadii ay meesha ka baxdo
dhul sheegashada gardaradaa
oo Saleebaan wado waayo
Sacad dhulkiisa kama
tanasulayo. Arrintu kama
fursan doonto in qalo waliba
iimaansato dhulkii alle ku
uumay.
Aw-Feera-Dhagax
Hobyo