
Galmudug: Waxay U Baahantahay In
Si Dag Dag Ah Loo Badbaadiyo
Wednesday, July 21,
2010 12:54 PMby:
Xasan Abdi -Cad
Bismilaahir Rahmaanir Rahiim
======================
Maamulka hadda jira ee
Galmudug oo loo huray naf
iyo maal si loo taabagaliyo
ayaa wuxuu marakan qarka
usaaran yahay colaad iyo
fowdo aan loo baahneyn. Ilaa
iyo markii dhidibada loo
taagan maamulka Galmudug
sanadkii 2006 si looga baxo
amni xumadii, kala dambeyn
la'aantii iyo adeeg bulsho
la'aantii, waxaa deegaanada
maamulka Galmudug kadhacay
isbedelo lagu diirsaday oo
xaq amni, heykal maamul
balaaraan oo wata
faracyadiis sida aqal
barlamaan, gole guurti, waxbarasho
hanaqaaday, dhismiyaal
bilicsan, ganacsi xoogleh,
iwm.
Shirqool Maleegay
Waxaa jira shirqool iyo
xasarad lagu duminayo guud
ahaan waxla wixii u
qabsoomay Galmudug
dhinackasta uu hormood u
yahay ninka lagu magacaabo
Cabdi-Shurgi Cali Xersi.
Ninkan Cabdi-shugri wuxuu
kamid ahaa qabqablayaalkii
qandaraaska kusoo qaatay in
ay jabiyaan golihii
maxaakiimta sanadkii 2005
balse iyaga la jabiyay.
Intii dhowr bilood wuxuu
Cabdi-Shugri, sheeganayay
xil been abuur ah(
gudoomiyaha Ahlu sunna
Waljameeca ee gobolada dhexe
oo badbaadada qaranka).
Wararka laga helayo koofurta
Gaalkacayo baa sheeganaya in
Cabdi-Shugri, soo dhoobay
maleesho koofurta Gaalkacyo
asagoo ku andacoonaya in uu
sugayo ammaanka Galmudug !
Ammaanka Galmudug waxaa ka
masuul ah maamulka
Madaxweyne Maxamed Axmed
Caalin, Cabdi-Shugri
dhaqdhaqaaqa uu kawado
koofurta Gaalkacyo-na waa tu
siweyn lid ugu ah maamulka
loo dhan yahay, amniga iyo
horumarka ay ku tilaabsatay
Galmudug. Warar xogogaal ah
ayaa tilmaamaya in
Cabdi-Shugri, in uu taageero
hil iyo hooba leh uu ka
haysto dad sokeeye ah oo
doonaya in Galmudug jilbaha
dhulka loo dhigo iyo duulal
shisheeye ah oo cadow ku ah
jiritaanka iyo horumarka
Galmudug.
Su'aashu waxaa weeye:-
1. Waamaxay xigmadda
kujirtaa in Galmudug
ladumiyo?
2. Ma Dan gaar ah oo gurcan
oo shaqsi baa mudan inloo
haligo ummada dhan oo u
hinqatay nabad iyo horumar?
3. Cabdi-Shugri, waamaxay
abaalka uu ku leeyahay
Galmudug
oo aan ka aheyn in uu
kasoo jeedo deegaanka ?
4. Cabdi-shugri, xagee buu
ka keenay Maleeshiyada
hubeysan
oo uu soo dhoobay
koofurta Gaalkacyo, waxaa la
leeyahay
Maleeshiyadaasi kama soo
jeedaan Galmudug ?
5. Cabdi-Shugri, xagee buu
ka keenay kharashka lixaadka
leh oo uu ku bixinayo
hawlaha gurcan oo uu kawado
Galmudug ?
*
Su'aalahaas jawaabtooda
waxaan u deynayaa dadka
caqliga iyo garashada fiican
u saaxiibkaa !!
Ugu dambeyntii, waxaa haboon
in maamulka Madaxweyne
Caalin uu waajibaadkiisa
umadeed uu dag dag u guto
asagoo shir Jaraa'id
amuurtan ka qabanaya isla
markaasna qaadaya
tilaabooyin adag oo amniga
Galmudug lagu sugayo. Waxaa
taagan xiligii gacan bir ah
lagu qaban lahaa kuwa ka
ganacsada shacabka
masaakiintaa dhiigooda iyo
cirdigooda ama karaamadooda.
Kuwa u dhashay Galmudug oo
doonaya inla dumiyo Galmudug
waa kuwo ah maangaab iyo
caado-qaatayaal waana in
laga cayriyaa deegaanada
Galmudug, waayo dadkaasi waa
manaxayaal aan lahayn damiir,
garasho fiican iyo diin.
X.Abdi-cad