
DHAQANKII ISLAAMKA OO LAGA TEGEY.
Qalinkii :G/le Sare Omer
Suleiman Ali
Gaalada ayaa mar ay ka
tashanayeen sidii dadka
muslimiinta ah loo gaalayn lahaa
isku af garatay in xagga
dhaqanka laga galo iyada oo
dhaqanka gaalnimada loo
qurxinayo si aynu u gaalaynno.
Waxaad mooddaa in gaaladu
garteen in ay diintu tahay
dhaqanka ummadda laakiin ay
dadka Islaamka ahi garan in
dhaqanku yahay diinta runta ah.
Wuxuuna Alle arrinkaas noogu
sheegay aayadda 76 suuradda
Yuusuf.
فَبَدَأَ بِأَوْعِيَتِهِمْ قَبْلَ
وِعَاءِ أَخِيهِ ثُمَّ
اسْتَخْرَجَهَا مِنْ وِعَاءِ
أَخِيهِ كَذَلِكَ كِدْنَا
لِيُوسُفَ مَا كَانَ لِيَأْخُذَ
أَخَاهُ فِي دِينِ الْمَلِكِ
إِلَّا أَنْ يَشَاءَ اللَّهُ
نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَنْ نَشَاءُ
وَفَوْقَ كُلِّ ذِي عِلْمٍ
عَلِيمٌ(يوسف 76).
Waxayna aayaddu ka hadlaysaa in
sharcigu dhigayey in ruuxii
dembi gala isaga mooyee cid kale
loo qabsan. Sidaas ayay diintu u
noqotay sharciga ay ummadi ku
dhaqanto, dhaqanka ummadina
wuxuu ka tolmaa diinta ay
haystaan.
Marka ay gaaladu ku tashadeen in
dadka la dhaqan rogo waa in
diinta laga beddelo. Markii ay
gaaladu soo gashay Soomaaliya
1897kii ummadda dhaqankeedu
wuxuu ahaa mid ku salaysan
diinta Islaamka. Waxaynu dhaqan
roganay markii la ogolaaday
gumaysi gaal ah oo aan nagu
dhaqan ahayn, sidaasna waxaa
Alle noogu caddeeyey aayaddan
hoos ku xusan:
يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا
لَا تَتَّخِذُوا بِطَانَةً مِنْ
دُونِكُمْ لَا يَأْلُونَكُمْ
خَبَالًا وَدُّوا مَا عَنِتُّمْ
قَدْ بَدَتِ الْبَغْضَاءُ مِنْ
أَفْوَاهِهِمْ وَمَا تُخْفِي
صُدُورُهُمْ أَكْبَرُ قَدْ
بَيَّنَّا لَكُمُ الْآيَاتِ إِنْ
كُنْتُمْ تَعْقِلُون
َ(آل عمران 118).
Waxay aayaddani noo sheegaysaa
in aynaan hoosta soo gashan kuwo
aan nagu diin ama dhaqan ahayn
oo aan biyo u kabbanayn habeen
iyo maalinna ku fooggan kana
daalayn danta keliya ee ay
idiinku soo dhowaanayaanna ay
tahay in ay diintiinna qarribaan
ama idin dhaqan xumeeyaan.
Marka markii aynu ogolaanay
gumaysi gaalo ah oo aan nagu
dhaqan iyo diin ahayn ayaynu
gefnay iyagana u suurto gashay
in ay in badan oo dhaqankii
Islaamka ee sharafka badnaa ay
ku beddelaan dhaqan gaalnimo leh.
Aayaddan kalena wuxuu Alle cwj
si cad noogu sheegayaa in haddii
ay idiin raacaan jahaad taas oo
ah haddii ay idinka mid noqdaan
oo idin soo dhex galaan dhibaato
aan jirin in ay idinka dhex
abuuraan iyo diintiinna oo ay
dhamaan kama tegayaan.
لَوْ خَرَجُوا فِيكُمْ مَا
زَادُوكُمْ إِلَّا خَبَالًا
وَلَأَوْضَعُوا خِلَالَكُمْ
يَبْغُونَكُمُ الْفِتْنَةَ
وَفِيكُمْ سَمَّاعُونَ لَهُمْ
وَاللَّهُ عَلِيمٌ
بِالظَّالِمِينَ(التوبة 47).
Diintii waxaa lagu beddelay
dastuur sheekaduna meeshaas ayay
ku xidhantay wax walbana xag
nololeed, cimilo iyo amni intaba
waxaa ku dhacay is beddel baaxad
weyn, ilaa iyo haddana meel
aanay daawadiisu jirin ayaa
dadkii oo dhammi u wada
dareereen oo ay ka baadhayaan
dawadiisii. Daawadiisuna waa in
gaalada la iska dhex saaro xoog
ay maanta lee yihiinna looga
cabsan hase yeeshee Alle laga
cabsado waayo isaga ayaa ka
cadaab daran.
Waxaan idin xasuusinayaa
hadalkii ay saaxiriintii Fircoon
ku dheheen Fircoon markii uu ku
dhahay lug iyo gacan isweydaar
ah ayaan idinka jarayaa markaas
ayaan geed jirid weyn idinku
tiqraarayaa ayay ugu jawaabeen
sida ku cad aayaddan hoos ku
xusan Fircoonow nagama saari
kartid caddaymaha sugan ee Alle
naga soo gaadhay ee waxaad
doonto samee wuxuu xukunkaagu ku
eg yahay nolosha adduunka oo
keliya eh.
قَالُوا لَنْ نُؤْثِرَكَ عَلَى
مَا جَاءَنَا مِنَ الْبَيِّنَاتِ
وَالَّذِي فَطَرَنَا فَاقْضِ مَا
أَنْتَ قَاضٍ إِنَّمَا تَقْضِي
هَذِهِ الْحَيَاةَ الدُّنْيَا(طه
72).
Marka iyaga oo diiddan in
cadaabka iyo ciqaabka ay gaaladu
marinayso iyo iyaga oo gaalada
ka quud darraynaya in ay u
roonaadaan haddii ay waxa ay
wataan ka yeelaan awgeed ayaa in
badan oo Islaam ahi ogolaadeen
in ay ka tagaan diintii xumaha
oo dhan ka hufnayd ee Islaamka.
Dhaqamada diin la’aanta ah
hoggaaminaya waxaa ka mid ah.
·
Dastuur yeelasho – dastuurku waa
nidaam guud oo ay ummadi
samaysato si ay iskula dhaqmaan,
sidaas darteed wuxuu beddelayaa
diintii Islaamka, wuxuuna
markaas noqonayaa diin cusub oo
dadku samaystay. Ilaahna wuxuu
noo sheegay ciddaa aan diinta
Islaamka isku xukumini waa gaalo.
إِنَّا أَنْزَلْنَا التَّوْرَاةَ
فِيهَا هُدًى وَنُورٌ يَحْكُمُ
بِهَا النَّبِيُّونَ الَّذِينَ
أَسْلَمُوا لِلَّذِينَ هَادُوا
وَالرَّبَّانِيُّونَ
وَالْأَحْبَارُ بِمَا
اسْتُحْفِظُوا مِنْ كِتَابِ
اللَّهِ وَكَانُوا عَلَيْهِ
شُهَدَاءَ فَلَا تَخْشَوُا
النَّاسَ وَاخْشَوْنِ وَلَا
تَشْتَرُوا بِآيَاتِي ثَمَنًا
قَلِيلًا وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ
بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ
فَأُولَئِكَ هُمُ
الْكَافِرُونَ(المائدة 44).
Marka bal ka warrama dad Islaam
sheeganayo oo dastuur lagu
gaaloobayo ku dhaqmaya. Marka
dadkaasi sow raalli kuma ah
gaalnimada. Dadka gaalnimo
doonaya lama qasbi karo ee ha
loo dhaafo laakiin iyaguna dadka
Islaamnimo doonka ah ma aha in
ay ku qasbaan dhaqan gaalnimo
laga dhaxlayo.
·
Xisbiyo siyaasadeed tiro badan –
waxay noo sheegayaan in
xisbiyada badani tahay cadaalad,
waxaan lee yahay ma aha ee waa
gaalnimo cad, waayo waa talo ka
soo jeedda gaalo u ah cadaw
Islaamka, Allena noo sheegay in
aanay waxba ka qaadan. Xisbiyada
faraha badani waa hab la doonayo
in fursad loo siiyo in ruux
waliba madaxnimada dalku u faran
tahay. Marka waxaa is weydiin
leh ruux waliba xaq ma u lee
yahay in uu noqdo dadka madax u
noqdo? Waxaan lee yahay maya,
waayo ruuxa xun ee oo ah ruuxa
aan iimaanka lahayn madax lagama
dhigan karo, waana arrin ka hor
imanaya diinta Islaamka.
·
Dimoqaraadiyada –
dimoqaraadiyadu waa in dadku
isagu is xukumo, diinta
Islaamkuna waxay lee dahay xukun
oo dhan Alle ayaa iska leh.
ثُمَّ أَنْزَلَ عَلَيْكُمْ مِنْ
بَعْدِ الْغَمِّ أَمَنَةً
نُعَاسًا يَغْشَى طَائِفَةً
مِنْكُمْ وَطَائِفَةٌ قَدْ
أَهَمَّتْهُمْ أَنْفُسُهُمْ
يَظُنُّونَ بِاللَّهِ غَيْرَ
الْحَقِّ ظَنَّ الْجَاهِلِيَّةِ
يَقُولُونَ هَلْ لَنَا مِنَ
الْأَمْرِ مِنْ شَيْءٍ قُلْ إِنَّ
الْأَمْرَ كُلَّهُ لِلَّهِ
يُخْفُونَ فِي أَنْفُسِهِمْ مَا
لَا يُبْدُونَ لَكَ يَقُولُونَ
لَوْ كَانَ لَنَا مِنَ الْأَمْرِ
شَيْءٌ مَا قُتِلْنَا هَاهُنَا
قُلْ لَوْ كُنْتُمْ فِي
بُيُوتِكُمْ لَبَرَزَ الَّذِينَ
كُتِبَ عَلَيْهِمُ الْقَتْلُ
إِلَى مَضَاجِعِهِمْ
وَلِيَبْتَلِيَ اللَّهُ مَا فِي
صُدُورِكُمْ وَلِيُمَحِّصَ مَا
فِي قُلُوبِكُمْ وَاللَّهُ
عَلِيمٌ بِذَاتِ الصُّدُورِ(آل
عمران 154).
Sida ku cad aayaddan talada oo
dhan Alel ayaa iska leh ruux
walibana meeshii uu Alle dhigay
ayuu dhigan yahay cid ka beddeli
kartaana ma jirto. Marka kuwa
leh dimoqaraadiyo ayaan
doonaynaa waxaan u arkaa in ay
ula jeedaan gaalnimo ayaanu
doonaynaa. Kuwa ku faanaya
gaalada noo timid waxay na
barayaan dimoqaraadiyada waxaan
u arkaa in ay lee yihiin waxaa
noo yimid wafdi gaalo ah oo na
bara sida loo gaaloobo.
Waxyaabaha diin la’aanta ah ama
gaalnimada ah ee aynu gaalada ka
dhaxalnay waa fara badan yihiin
halkanna kuma soo wada koobi
karo. Haddiise ay jiraan dad
xiisanaya maqaallo kale ayaan ku
soo dhammaystiri doonaa
insha’Allaah.
GUNAANADKA.
Waxaan dadka Islaamka ah u
sheegayaa in ay ka waantoobaan
waxyaabaha lagu gaaloobayo,
sidaas darteedna wax kasta oo ay
arkaan inta aanay qaadan ama
diidin waa in ay ku beegaan
kitaabka Alle iyo sunnadii
rasuulka.
أَفَحُكْمَ الْجَاهِلِيَّةِ
يَبْغُونَ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ
اللَّهِ حُكْمًا لِقَوْمٍ
يُوقِنُونَ(المائدة 50).
Walaalayaal sida xukunka maadiga
ah aynaan wax awood ah ugu
lahayn in aynu wax ka beddelno
nidaamka Alle u dejiyey ayaynaa
xukunka dadkana ugu lahayn.
Haddii aynu isku dayno in aynu
Alle ka tallaabsanno oo aynu
isku xukunno sharci gaalnimo
salka ku haya waxaa dhalanaya
cadaabaha hadda ummadda haysta
iyo kuwo aakhiro oo ka sii daran.
G/le Sare Omer Suleiman Ali
5/02/2012