Ardayda Galmudug oo walaac ka muujiyay kulan lagu qabtay Al-shacab.



 

Mudugnet, Gaalkacyo, GalMudug, 20 ka Juun, 2011

 

Ururka ardayda Galmudug ayaa waxa ay kahadleen kulan lagu qabtay Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Al-shacab 11-6-2011 kaasoo lagu sheegay in laisugu soo dhaweynayo ardayda dugsiyada sare ee Galmudug.

 

Kulan ay ku yeesheen xaafiiska ururka ardayda Galmudug golaha fulinta ee ururkaasi ayay waxa ayna soo saareen war-murtiyeedkaan.

 

Bismillaahi          Raxmaani           Raxiim

Anaga oo ah masuuliyiinta  ururka ardayda Galmudug {GSA} waxaan rabnaa in aanu kahadalno barnaamijkii siminaarka ahaa ee kafurmay 11-6-2011 dugsiga sare ee Shacab kaas oo lasheegay in uu ahaa mid laisugu soo dhaweynaayo ardayda dhigata dugsiyada sare ee Galmudug hase ahaatee waxaa dhacday in arintaas aan lala socodsiin uruka ardayda Galmudug  taasina waxa ay muujinaysaa in ladiidanyahay GSA.

 Anagu hadii aanahay ururka ardayda Galmudug waxaa nahay urur u taagan  isku soo dhaweyta  ardayda wax ka barata deegaanada Galmudug, markastana xalinaa khilaafaadka soo kala dhexgala ardooyinka , laakiin hada waxaa noo muuqda in barnaamijkii Shacab ka dhacay uu ahaa barnaamij qarsoodi ah oo lagu kala fogeynayo ardayda wax kabarata  Galmudug maxaa yeelay  waxaa laiska in dhatiray in lala socodsiiyo dadkii utaagnaa isku soo dhaweynta ardayda.

 

Hadii aan nahay uruka ardayda Galmudug waxaan uargnaa dhacdadaas mid aan habooneyn oo dhalinaysa kala fogaanshaha ardayda, maadaama qaladkan hadda uu dhacay waxaan ku talinaynaa in uusan mar kale dhicin oo laga digtoonaado waxaan leenahay xiligaan looma baahna in laga shaqeeyo barnaamij lagu kala fogeynayo bahda waxbarashada.

Waxaa ku saxiixan Gudomiyaha Shaafici cali xade {waayeel} iyo m.arimaha dibada Bashiir garaad nuur

 

 

Aided Mohamed Ali

Jubba1.5@hotmail.comm