MudugNet, Khamiis 1da Luulyo, 2010.

Koofurta Mudug waxaa ka dhacay dagaalo cuslaa sanadii 2004-2006 kasoo salka ku hayay aanooyin qabiil iyo murano xagga deegaanka dhulkaa. Dagaalkaasu wuxuu ahaa mid foolxun oo ay waxka hurinayeen reer Puntland. Ilaa hadda majirto hishiis rasmi ah oo laga gaaray dagaalkii dhexmaray Sacad iyo Saleemaan oo ku saabsan deegaanka ay beesha Saleemaan ku haystaan Sacad oo ah deegaanka Galinsoor iyo Hobyo. Maalin dhaweyd nin u hadlay maamulka Cadaado oo TVGa Universal  warsatay wuxuu ku celceliyay in dhulka ay ka kooban tahay maamulka labaxay 'Ximin iyo Xeeb' ay kamid yihiin deegaanka Galinsoor iyo Hobyo taasoo muujinaysa in colaadi taagan tahay.

 
Dadyowga dega koofurta Mudug deegaanku iyo dhulku waa u kala soocnaa waligood, suurtagalna ma ahan qarnigan 21naad oo dadku wada baraarugay in dhul boob la isku sameeyo taasoo ciddii isku dayda ay la kulmi doonto dagaalo adag iyo mashaakilo loo caalwaayo. Waxaa kaloo haboon mar haddii aysan suuragal ahayn inla kala gar baxo, si cadaaladi kujirtana loo hishiiyo, in markaas qabiilkastaa deegaankiisa iimaansado oo aan la isku xadgudbin. Soomaali waxay ku maahmaahdaa ' dhul ninkiisii baa iska leh'. Shareecada Islaamka waxay qabtaa in dadku aysan is-dulmin balse haddii dulmi dhaco in markaas lagu kala baxo Shareecada Islaamka qoladii diidana la go'doomiyo.
 
Dagaalada lagu hoobtay oo dhowr jeer ka dhacay deegaanka Bacaadweyne oo u dhaxeeye beelaha Dir/Qubeys iyo Saleemaan wuxuu salka ku hayaa deegaan iyo dhul, dagaalkaasoo hadda socda dad badanina ku dhinteen. Dad badan oo waxgarad ah kana soo jeeda koofurta Mudug baa qaba in beesha Saleemaan ay ku gar daran yihiin dagaalka kasocda deegaan Bacaadweyne waayo deegaankaasi waa deegaan loo yaqaan beesha Qubeys. Dhowr jeer oo labada beelood ay hishiis nabadeed isla gaareen waxaa jabiyay beesha Saleemaan. Gartu EEbbe bey leedahay waxaana waajib ku ah beelaha dega koofurta Mudug in ay xaqa la saftaan oo joojiyaan qabiilkii dulmi iyo dhul balaarsi wada waayo dhul boob nabad iyo caano lagu helimaayo.
 
Sidoo kale, waxaa xasaradi iyo guux colaadeed ka taagan yahay deegaanka xarardheere sababtuna waxaa weeye  beesha Saleemaan oo xoog ku qabsatay deegaanka Xarardheere oo u awood sheegatay walaalaha reer Saruur oo iyagu iska leh deegaanka Xarardheere, arrintaasoo u baahan in beesha Harbar-Gidir ay si deg deg ah xal ugu hesho inta aysan talo fara ka bixin. Magaca ay labaxeen walaalaha Saleemaan ee 'Ximin iyo Xeeb' waa magac tilmaamaya dhul balaarsi iyo colaad hurin waayo beesha Saleemaan deegaankoodu maleh dhul xeebeed waana arrin lawada ogyahay.
 
Gunaanadkii, waxaa haboon in Culumada, nabadoonada iyo waxgaradka maamulada Galmudug, Ximin iyo Xeeb iyo Galgaduud ay shir deg deg ah isugu yimaadaan si xalwaara oo nabadeed loo helo islamarkaasna loosoo afjaro dagaalada raqiiskaa, micna daradaa iyo muranada xaga dhulalka oo ka aloosan koofurta Mudug. Haddii nabad iyo darisnimo wanaagsan larabo, waa in Shareecada Islaamka lagu kala baxaa oo aan cidna ladulmin, cidnana aan loo ogolaan in ay boobto dhul aysan lahayn. Waxaa kaloo waajib ah in beesha Habar-Gidir ay kala dhexgasho beesha Qubeys iyo Saleemaan, si cadaalad ahna loo xaliyo dhulka ay isku hayaan labadaas beelood. Sida uu hadda jawigu yahay, ma muuqato in beelaha wada dega Koofurta Mudug ay samaystaan maamul ay ku mideysan yihiin waana amuur aad u drugsan sida xaqiiqdaa. Mararkan waxay ku haboon tahay in nabadda la Xoojiyo oo boogaha jira ladhayo intii mudaa oo jiil cusubi imaanayo !!
 
Wabilaahi Towfiiq.
 
Waxaa Qoray: X. Cabdi-Cad