
Somalia: General Galaal Yaa
U Diray Gobolada
Dhexe-Waamaxay ahdaaftu ?
Khamiis, 18ka February 2010.
Muddo hadda laga joogo ku
dhawaad labo bilood baa
Diyaarad khaas ahi (Special
plane) ka qaatay General
Mohamed Nur Galaal magaalada
Nairobi taasoo ku dajisay
Tuulada Guriceel oo katirsan
Dhuusa-Mareeb, Gobolka
Galguud. Sida dadka
siyaasadda Somalia odorasa
ay saadaalinayaan, Gen.
Galaal wuxuu ku tegay
Guriceel qorshe siyaasad
ciidan (political military
plan) ay soo abuuleen
dowladda Xabashida iyo
xulufadeeda, qorshahaas oo
looga goleeyahay in looga
taqaluso dowladda TFG oo uu
hoggaamiyo Madaxweyne Sheikh
Shariif Sheikh Ahmed.
Geynta ay Ethiopia geysay
Gen. Galaal Guriceel waxay
hor u dhac u ahayd shir ay
Xabashidu ku qabatay Addis
Ababa shirkaasoo la isugu
keenay dowladda TFG iyo
kooxda isku magacowda Ahlu
Sunna Waljameeca, waxaana
soo baxay warar sheegay in
Ethiopia ku amartay dowladda
TFG in ay awoodda (political
power) la wadaagto kooxda
Suufiyada. Taas macnaheedu
waxaa weeye in Xabashi iyo
xulufadeedu ay doonayaan in
ay inqilaabaan dowladda TFG
kagadaal markii ay ka
gaareen dantii ay ka la
ahaayeen.
Ethiopia iyo xulufadeeda oo
aan marna dooneyn in ay
Somalia ka dhalato dowlad
cagaheeda isku taagta iyo
nabad ay helaan umada
Soomaaliyeed, ayaa marakan
si xoogleh u hubeynaya una
maalgalinaya kooxda labaxday
Ahlu Sunna Waljameeca si
dagaal xoogleh looga huriyo
guud ahaan Koonfurta
Somalia, dagaalkaas oo u
horseeda Koonfurta Somalia
burbur,xasuuq iyo barakac
dabar go ah dalka Somalia
guud ahaan.
Fikradaha Xabashi usoo
dhiibtay General Galaal
waxaa kamid ah in asaga
madax looga dhigayo Gobolada
dhexe kagadaal markii Ahlu
Sunna Waljameeca ay la
wareegaan guud ahaan
Gobolada dhexe, taasoo ah qiyaali
aan marna suurtagal noqon
karin marka la eego
dagaalada hadda ka oogan
gobolada dhexe, heerarka
maamul iyo siyaasad oo ay
gobolada dhexe kala marayaan,
waxaana intaas sii dheer
iyadoo aysan jirin wax
hishiis ah oo ka dhaxeeya
dadyowga ku dhaqan Gobolada
dhexe.
Ugu dambeyntii, Gen. Mohamed
Nur Galaal wuxuu si xoogleh
ugu darbanaa dagaaladii iyo
qalalaase siyaasadeedkii
Somalia ka taagnaa 20-kii
sanoo lasoo dhaafay mana
ahan shaqsi lagu bartay
nabad ka shaqaynta iyo wadanimo
balse wuxuu caan ku yahay
nin dantiisa gaarkaa u
rucleeya meeshay rabto hala
gashee. Maanta Gen. Galaal
waxaa ku aadanaa in uu u
istaago dib u xoreynta dalka
Somalia ee ma ahayn in uu
isla soo taago gobolo qabiil
oo aan isqaban karin hala
mideeyo iyadoo ahdaaftu
tahay dadyowga gobolada
dhexe hala galiyo dagaalo
lagu hoobto si awoodda
dadyowga gobolada dhexe loo
baabiyo waana qorshe ay isla
wataan dowladda Xabashida,
xulufadeeda iyo Majeerteen.
Maamulka iyo dowladda
Galmudug waxaa lagudboon in
ay ka digtoonaadaan qorshaha
isticmaar oo Xabashi iyo
xulufadeedu u soo dhiibtay
General Galaal waana in dowladda
Galmudug lasii xoojiyaa
islamarkaasna Suufiyadu ka
dambeeyaan dowladda Galmudug
iyo ahdaaftii loo sameeyay.
Somalia Guul iyo Gobanimo.
Waxaa Qoray: Kaarshe Majiid