GUMAYSIGA XABASHIDA IYO GUMAADKA DADWEYNAHA
Sunday, June 01, 2008
Qorshaha gumaysiga Xabashida ma aha wax hadda dhashay, balse waa mid soo taxnaa qarniyo badan iyadoo mandiqaddan Geeska Afrika oo u badan deegaan Soomaalidu leedahay iyo dal muslimaa ayaa boqorada kala duwanaa ee Xabashada waxy weligood ku taamayeen in ay afka u dhigtaan dhulkaas. Mar kastana waxaa grab iyo gaashaan u ahaa xoogag gumaysi iyo reer Yurub. Hasayeeshe fursadda maantay ay Soomaalida laga helay ma aha mid horay u soo martay, sababtoo ah waxay isla heleen qorshahoodu gumaysi iyo garaad laawayaal muqaal Soomaali nala leh hasayeeshe maanka iyo qalbiga labadaba Xabashi ka ah ama ka sii liita, iyadoo ay daba ka riixayaan xolufo Soomaali aan ka naxayn. Waxa Muqdisho iyo hareeraheeda ay ka sameyeen Xabashadu iyo xabashi u yaalka wax qarnigan casriga dhici kara amaba la sheegi karo maba aha. Dawladaha reer Galbeedka iyo warbaahintooda waxay isku mashquuliyaan nin hebel ayaa la xiray ama loo diiday inu dalkiisa ka baxo ama xorriyadda saxaafadda ayaa meel looga dhacay. Hasayeeshe qaran guurka Muqdisho laga sameeyay oo ah wax ka sii xun wixii Hitler ku sameeyay Yuhuudda oo lagu tilmaamay “Silent Genocide” waa fasax toos ah iyo mid dadbanba in Xabashadu siday rabto Soomaaliya ka yeesho..
Allaha u naxariiste halgamaagi iyo gabayaagii waynaa Sayid Maxamed Cabdille Xasan markii la isugu wada tegay muslin iyo gaalaba oo la jabiyay ayaa gabaygiisi Dardaaran ee caanka noqdoy wuxuu ku yir:
Annagu diidmayno oo waa wuxuu Daai’m noo qoraye, ninkiise dunida loo daynayow ha igu diirsado.
Sayidka oo ahaa nin caqiido weynaa run ayuu ka sheegay waayoo nin Alle aaminsan ma walwalo, qaddarkiisana waa inu ku qancaa. Haddii aan Soomaali nahay wixii Alle noo qoray seegimayno, hasayeeshe waxa laga hadlayaa waa foolxumada iyo waxyaabaha taariikhda madow ku ah dadnimadeenna, diinteena, dawlanimadeenna oo ay na badeen bahallada baniaadaka shabbaha. Melez Senaawi Dicember 2006 mrkuu ciidamadiisa Soomaaliya qabsadeen wuxu yiri laba todobaad ka bacdi ayaan ciidamadeena Soomaaliya ka saareynaa. Wixii ka dambeeyayna maalinba afgaara ayuu ku hadlayay ilaa uu ka yiraaho meel aan uga baxno ma garanayo. Waa runtiis ilee marki horaba inu ka baxo kumaba tala gelin. Waxase ka siiyaab badnaa Cabdullaahi Yuusuf oo yiri: ciidamada Ethiopia lagama hadli karo, isagoo ula jeeda in dalkoodi ay joogaan ama isaga ay u joogaan. Waxa la yir dad iyo duurba waxaada garanayn ayaa kaaga soo baxa. Cabdullaahi Yuusuf Soomaaliya madaxweyne inu u noqdo loo doortay inkastoo sida uu ku helay xilkaas laga wada dharagsanyahay, haddana caqliga fiyoow waxan ka daadagayn in nin dawladnimo haysta, dadkiisana iyo dalkiisana u aha sababta uuu gunnimo u doortay, dadkiisa u gumaadayo, dalkiisana u burburiyay? Mase u qalmaa in loogu yeero masuul caadi ah bal iska dhaaf madaxweyne ? Jawabtu waa maya maya maya! Kuwase qabiilnimada ku diffacayaa iyaguna soo kama sii liitaan? Waase iyaga garasha xumidooda iyo maankooda gurracan. Dawldaha arrimahaas ku garb taagani oo dabka xaabada kuu sii daraya Soomaalidu waa ujeedaa. Waxase la yiri:Libaax nin galladay iyo nin ganay kala og.
Maxmed Warsame (hadraawi) ayaa waxa laga hayaa:
Bulshdeenu waa duul
Dun xariira weyaan
Ninka maamul dalab leh iyo
Dabaal joogto hoose iyo
Dibindaabyo kula jira
Deg-deg uma tilmaamaan
Waran kulama duulaan
Dulmigiisu waa kayd
Dib ayay ugu muddeeyaan
Ogowse doqonna maahee?
Waxan filaya bulshada abwaanku sheegay in isbaddal weyn uu ku dhacay,.anigo shaki ka qabaa tilmaamaha Soomaalida lagu sheego sida ay run u wada yihiin oo ah dad 100% muslim ah, isku af iyo sinji ah, sababtoo haddii arrimahaasu runyihiin waa kaaf iyo kala dheeri marka loo eego waxa ay isku samaynayaan iyo hab dhaqanka gurracan ee dhexdooda. Dhacdadii iigu yabka badnayd waxay ahayd 20/4/2008 markii cidamai Tigreegu sida bahanimada ugu xasuuqeen masjidka AL Hidaaya ee Waxara Cadde culumadii iyo ardadi Tabliiqa oo muslin iyo galba ogyahayiin in Tabliiqu aanay lug ku lahayn loollamadaka siyaasadeed iyo kan diimeed ee Soomaaliya ka jira ayaa intii Tigreegu aanu hadlin canaasiir Dawlad ku sheegga ka mid ah waxay yiraahdeen ragga masaajidka ku jiray ayaa dagaallamayay oo loogu galay, qaarna waxay yiraahdeen shabaabka ayaa ragaas dilay, qaarkoodna arrinta oo dhan ayay dafireen oo waxay yiraahdeen waxba meesha kama dhicin. Soomaalidu waxay tiraahda karaankur geel wax gunti la geliyo ka weyn. Beenta qaawan xitaa saraakiishi Tigerega ayaa iyaguna inta Soomaalida ka aflaxay ayay sideedi u laqmiyeen, waxase lawyada u soo laabay beentooda raqiiska ahayd wakaaladaha warbaahinta iyo hayadaha xuquuql insaanka oo melba ka sheegay iyadoo kuwi gardarrada ugu garbinayay Tigreega xitaaay ay qarin waayeen waji gabax iyo fadeexo ku noqotay.
Markii aan darsay hab-dhaqanka, waddaniyad xumidi, xaasidnimada, caadifadaha iyo xiisaha maran ayaa waxan ku sifayay dadka Soomaalida erayada hoos ku qoron:
ISKU DAL KALA DAGA
ISKU DIIN AAN IS DAYIN
ISKU DAD ISKU DARAN
ISKU AF AAN IS AFGARAN
IISKU DAN KAL DUDA
ISKU DIIR KALA DIQOODA
ISKU SOO DUUB
DADNIMO XUMO, DACIIFNIMO, DULLINIMO, DABBAALNIMO, DARJAXUMO, DARENXUMO, DAMMIINIMO
Dadka oo dhan ma wada jaaifaynayo oo dad wanaagsan waa buux, hasayeshe waxa la yir: bad dhan hal kaluuna ayaa qurmiyay.
Allow sigatay maantaye
Aloow samata bixintaa
Allahayow sidii roon Aamiin
Qore Faarax Ciise