Fikradaha Maqaalkani xambaarsan yahay waxay u gaar tahay Qoraaga soo Qoray oo kaliya, MudugNet kama mas'uul aho dulucda maqaalkan wixii eedeyn iyo wax weydiin waxaa lagu hagaajin karaa akhristaha oo kaliya.

 

 

 Baaq ku Wajahan Shirka Jabuuti




Sunday, June 01, 2008

Ku: Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya
Mudane Ahmedou Ould-Abdallah
Ku: Guddoomiyaha Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya
Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed
Ku: Raisulwasaaraha Soomaaliya
Mudane Xasan Nuur Xuseen
Og: Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed

Ujeedo: Xal u helidda Mashaakilka Dalka Soomaaliya


Markaan eegnay dhibaatada xad dhaaftay ee uu ku sugan yahay Shacabka Soomaaliyeed mantay,
Markaan garowsanay in jiritaankii iyo madaxbanaadi Dalka soomaaliya gashay mugdi iyo cakirnaan adag.
Markaan qiimaynay fursadda shirka Jabuuti u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.
Markaan aragnay is jiid jiidka u dhexeeya laba garab ee shirka lagu casumay.
Waxaan go’aansanay in aan taladaan idiin soo bandhigno.

Anagoo ku hadlayna magaca Dhalinyarada Soomaaliyeed, tixgalinaynana rabitaanka shacabka soomaaliyeed iyo danta guud, waxaan idiin soo bandhigaynaa qodobo aad u muhiim ah oo aan aaminsanahay in ay u noqon karaan fure xalka soomaaliya ee ragaaday. Anagoo ka eegayna dhan walba oo suurto galinaya guul ka gaarista shirkaan la iclaamiyey iyo suurto galnimada guul ku dhammaanshihiisa.

Walaalayaal sida aad wada ogsoon tihiin waxaa jira qodobo gundhig u ah in shirku ku bilowdo jawi macquul ah, waana in tanaasulkeeda laga helaa labada qaybood ee shirku u furmayo. Waana qodobada hoos ku qoran:

In Shirka la soo fariisiyo xubnaha ugu sareeya labada garab ee Dowladda iyo Isbahaysiga
In Ciidamada Ethiopia dalka laga saaro, si deg deg ah lana sheego waqti cayiman oo ay gabi ahaan uga tilaabayaan xuduudka Dalka Soomaaliya
In xabad joojin guud la suurto galiyo
In Dowladdu Ciidamadeeda kala baxdo goobaha shacabku degan yahay
In shacabka qaxay dib loogu soo celiyo guryahooda
In Isbahaysigu balan qaado in ay nabadgeliyaan Ciidamada Ethiopia waqtiga ay ku jiraan guuritaanka
In isbahaysigu balan qaado in aysan wayrarayn goobaha iyo masuuliyiinta Dowladda
In Dowladdu aysan samayn karin wax hub ka dhigis ah inta laga dhisayo dowlad wadaag ah
In ciidamo Qaramada Midowbay la ogolaado in ay dalka yimaadaan lana suurto galiyo jawigii ay ku imaan lahaayeen.
In ciidanka Qaramada midoobay la wareegaan nabadgelyada ilaha dhaqaalaha iyo xaafiisyada Dowladda.
In gobol walbo loo madaxbaneeyo in uu soo doorto maamulkiisa si dimuquraadi ah
In labada qolaba (Dowladda iyo Isbahaysiga) u madax banaanyihiin dhexgalka shacabka iyo u tartamidda xilkay doonaan
In UN-ku dhiso guddi Aqoonyahano Soomaaliyeed oo ka madax banaan labada garab.
In UN-ka iyo Hay’adaha kale ee caalamku la shaqeeyaan Guddigaas, kaasoo shaqaynaya muddo 12 bilood (hal sano).
Guddigaas wuxuu xariir la samaynayaa oo u dhaxaynayaa, qaybahaan hoos ku qoran
a. Dowladda
b. Isbahaysiga
c. Iyo UN-ka
Guddigaan shaqadiisu waxay noqonaysaa fududaynta howlaha shacabka, dib u heshiisiinta iyo suurto galinta Doorasho xor ah.

Waxaan aamin sanahay in Shirka Jabuuti yahay fursadda aad u qiimo badan oo mudan in looga faa’ideeyo shacabka Soomaaliyeed. Runtuna waxay tahay in labadiina qolaba aad tanaasushaan in shacabka dantiisu ku jirto. Maantay labadiina qolaba waxaad ku jirtaan nolol xaaraan ah, shacabka soomaaliyeedna wuxuu ku jira cadaab aduunyo oo aad adinku mas’uuliyadeeda leedihiin. Dabacsanaanta aad muujisaan maantay waxay u tahay hiilo, xilalka aad haysaan maantay waxaa ka qiimo badan dhul xaaqayaasha xornimadooda ku seexda.

Waxaan Ilaahay idinkaga baryeynaa in aad aqbashaan talooyinkeena oo aad muujisaan tanaasul iyo qalbi wanaagsan.

Wabilaahi Towfiiq

Guddoomiya Ururka Dhaliyarada Soomaalida Maraykanka
Xuseen Sh.Nur Xuseen Samatar