Diyaariye :
Cabdulqaadir Axmed Colaad
Sanadkii 1943dii waxa uu xubin ka noqday Xisbigii
SYC waxa uuna xaruntii ugu Horeysay ee xisbiga ka
furay Degmada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan
sanadkii 1944kii.
15/05/1947dii waxaa halgame C/laahi Ciise Maxamuud
loo doortay Xoghayaha Guud ee ururkii SYC.
Halgame C/laahi Ciise oo dardargaliyay halganka
Xisbiga SYC waxa uuna badalay magaca Xisbiga SYC
isagoo u badaalay SYL (Somali Youth League) wuxuuna
soo saaray barnaamijkiisa siyaasadeed oo ka kooban
5 qodob oo kala ah:-
1- in la raadiyo Gobanimadda iyo Xuriyada shanta
Soomaaliyeed oo mideysan.
2- in lala dagaalmo kala qeybinta qabyaaladda ku
dhisan.
3- in laga taqaluso Cidii ka hortimaada danta Umadda
Soomaaliyeed.
4- in waxbarashada lagu baahiyo dalka oo dhan lana
dhiso aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed..
5- in la qoro
Afka Hooyo
ee Soomaaliga ah.